LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Dowladda oo ciidamo geysay Jowhar & Mucaaradka oo wajahaya xaalad adag

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ciidamo dheeraad ah geysay Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Jowhar, iyadoo si weyn u xoojisay joogitaankeeda deegaanada maamulka Hirshabeelle.

Wararka laga helayo ilo xog-ogaal ah ayaa sheegaya in ciidamada cusub ay gaareen garoonka xilli horey halkaasi ugu sugnaayeen Ciidamada Kumaandooska Danab. Tallaabadan ayaa lagu macneeyay mid ay dowladda ku doonayso in ay si buuxda gacanta ugu dhigto dhaqdhaqaaqyada magaalada Jowhar.

Arrintan ayaa kusoo beegmeysa iyadoo ay jiraan dhaq-dhaqaaqyo ay wadaan ciidamo taabacsan siyaasiyiinta mucaaradka ah kuwaas oo maalmihii u dambeeyay abaabul ka waday gudaha magaalada. Dowladda ayaa la rumeysan yahay in ay ka hortag u sameyneyso suurtagalnimada qalalaase amni oo ka dhaca halkaasi iyo inay mucaaradka abaabul ka sameeyaan.

Xukuumadda uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhowaanahan waday dadaallo lagu xakameynayo xaaladaha amni iyo siyaasadeed ee ka jira dowlad-goboleedka Hirshabelle, iyadoo Jowhar ay tahay xarunta maamulkaas.

Ilo wareedyo ayaa tilmaamaya in ciidamada la geeyay garoonka diyaaradaha magaalada Jowhar iyo qaar kamid ah deegaanada Hirshabeelle ay yihiin kumaandooska Gorgor.

Dowladda federaalka ayaa sidoo kale maalmihii lasoo dhaafay ciidamo xoogan geysay koontaroolada laga soo galo magaalada Muqdisho iyadoo halkaas ay ciidamada baaritaano xoogan ugu sameynayaan gaadiidka noocyadiisa kala duwan.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *