Dowladda Federaalka oo dhul boob iyo barakicin kawada magaalada Muqdisho

Howlgallo lagu duminaayo dhismayaal laguna barakicinaayo dad shacab ah ayaa maanta ka bilaabmay xaafadda Buulo-Xuubeey ee magaalada Muqdisho, gaar ahaan aagga Villa Baydhabo.
Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in goobta uu howlgalka ka socdo ay ku taallo xarunta kaydka shidaalka ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed oo la sheegay in hore loogu qoondeeyay shirkad ganacsi oo gaar loo leeyahay.
Ciidamada ammaanka oo ay weheliyaan dad rayid ah ayaa fulinaya howlgalka, iyagoo bilaabay in ay banneeyaan goobta. Dadka ku noolaa deegaanka, oo isugu jiray qoysas rayid ah iyo askar danyar ah, ayaa la sheegay in laga saarayo halkaasi, iyadoo ay jirto cabasho ku aaddan barakicinta.
Ilaa iyo hadda, ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay dowladda oo faahfaahinaya sababta rasmiga ah ee ka dambeysa duminta iyo qorshaha loogu talagalay dadka la barakicinayo.
Dowladda uu madaxweynaha ka yahay Xasan Sheekh Maxamuud ayaa laba jibaartay dhul boobka iyo barakicinta dadka shacabka ah iyadoo intabadan dhulalka shacabka xoog looga saaray iyo kuwa danta guud laga iibinayo shirkado gaar loo leeyahay halka dhulalka qaar la siiyay shaqsiyaad aad ugu dhow madaxweynaha.









