Close Menu

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    What's Hot

    Farmaajo oo ka digay khilaaf siyaasadeed, kuna baaqay doorasho heshiis lagu yahay

    15 October 2026

    Akhriso: Guddiga Doorashooyinka oo shaaciyay doorashooyinka 2-da Aqal iyo tan Madaxweynaha Dalka

    15 October 2026

    Ciidamada Laftagareen oo la-wareegay Buurhakaba & Wararkii ugu dambeeyay

    15 October 2026
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Vimeo
    Banaadir24 Online
    Subscribe Login
    • Home
    • Post Categories
      • WARARKA
      • ENGLISH NEWS
      • DUNIDA
      • BUSINESS
      • LATEST NEWS
      • LOCAL NEWS
      • OPINIONS
    • About Us
    • Contact Us
    • More
      • Privacy Policy
      • Terms and Conditions
    Banaadir24 Online
    • Privacy Policy
    • About Us
    • Contact Us
    • Terms and Conditions
    Home » Wasaaradda Batroolka Somalia iyo West Virginia oo iska kaashanaya Soo Saarista Macdanta Muhiimka ah
    LATEST NEWS

    Wasaaradda Batroolka Somalia iyo West Virginia oo iska kaashanaya Soo Saarista Macdanta Muhiimka ah

    Banaadir24By Banaadir2414 March 2026No Comments2 Mins Read
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr WhatsApp VKontakte Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Wasaaradda Batrolka iyo kheyraadka Macdanta XFS iyo Gobolka West Virginia ee dalka Maraykanka ayaa kala saxiixday Heshiis Isfaham (MoU) oo ku saabsan iskaashiga dhinacyada sahminta, soo saarista, farsamaynta iyo horumarinta macdanta muhiimka ah (Critical Minerals).

    Heshiiskan ayaa ujeedkiisu yahay in la dhiso qaab iskaashi oo kor u qaada maalgashiga, is-weydaarsiga aqoonta farsamada, iyo horumarinta silsiladda qiimaha ee macdanta Soomaaliya.

    Heshiiska waxaa Wasaaradda Batrolka iyo kheyraadka Macdanta ee XFS u saxiixay Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo kheyraadka Macdanta, Mudane Daahir Shire Maxamed, halka dhinaca Gobolka West Virginia uu u saxiixay Xoghayaha Senate-ka West Virginia, Kris Warner.

    Heshiiska ayaa ka dhacay aqalka Senate-ka ee Gobolka West Virginia, iyadoo goob-joog ay ka ahaayeen Dhinaca Dowladda Federaalka Soomaaliya wafdi uu hoggaaminayay Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, iyo masuuliyiin kale.

    Dhinaca Gobolka West Virginia waxaa kulanka iyo munaasabadda heshiiska ka qaybgalay xubno ka tirsan Senate-ka gobolka, oo uu ugu horreeyo Madaxweynaha Senate-ka isla markaana ah Ku-xigeenka Guddoomiyaha Gobolka (Lieutenant Governor), Senator Randy Smith, iyo senatarro kale oo ka tirsan hoggaanka Senate-ka.

    Intii lagu guda jiray habraaca heshiiskan, Senate-ka Gobolka West Virginia ayaa sidoo kale soo saaray qaraar rasmi ah (Resolution) oo taageeraya iskaashiga u dhexeeya labada dhinac, taas oo muujinaysa muhiimadda istaraatiijiga ah ee iskaashigan cusub iyo rabitaanka gobolka ee xoojinta xiriirka dhaqaale iyo farsamo ee Soomaaliya.

    Heshiiskan ayaa diiradda saaraya dhowr qodob oo muhiim ah, oo ay ka mid yihiin:

    • Iskaashiga sahminta iyo soo saarista macdanta muhiimka ah
    • Horumarinta farsamaynta iyo habaynta macdanta si loo kordhiyo qiimaha gudaha
    • Is-weydaarsiga aqoonta iyo khibradda farsamo
    • Dhiirrigelinta maalgashiga iyo iskaashiga ganacsi ee u dhexeeya hay’adaha iyo shirkadaha labada dhinac

    Heshiisku wuxuu sidoo kale dhiirrigelinayaa shirkadaha Mareykanka inay sahamiyaan fursadaha maalgashi ee ka jira Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada sahminta, soo saarista iyo farsamaynta macdanta muhiimka ah, iyadoo la abuurayo jawi iskaashi oo u sahlaya ganacsiyada iyo maalgashadayaasha inay ka qayb qaataan horumarinta kheyraadka dabiiciga ah ee dalka.

    Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay u aragtaa heshiiskan tallaabo muhiim ah oo ka mid ah dadaallada lagu horumarinayo kheyraadka dabiiciga ah ee dalka si mas’uuliyad leh, hufan, isla markaana soo jiidata maalgashi caalami ah, iyadoo la hubinayo in horumarinta macdantu ay ka qayb qaadato kobaca dhaqaalaha iyo abuurista fursado shaqo oo waara.

    Iskaashigan cusub wuxuu sidoo kale xoojinayaa xiriirka saaxiibtinimo iyo wada shaqeynta u dhexeeya Soomaaliya iyo Maraykanka, gaar ahaan dhinacyada horumarinta kheyraadka dabiiciga ah, maalgashiga, iyo kobaca dhaqaalaha.

    Share this:

    • Share on Facebook (Opens in new window) Facebook
    • Share on X (Opens in new window) X

    Like this:

    Like Loading…

    Related

    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr WhatsApp Email
    Previous ArticleDuqeyn lagu dilay horjoogayaal Sare oo katirsan Al-Shabaab
    Next Article Dagaal ka socda Magaalada Boosaaso
    Banaadir24
    • Website
    • Facebook
    • X (Twitter)

    Related Posts

    Farmaajo oo ka digay khilaaf siyaasadeed, kuna baaqay doorasho heshiis lagu yahay

    15 October 2026

    Akhriso: Guddiga Doorashooyinka oo shaaciyay doorashooyinka 2-da Aqal iyo tan Madaxweynaha Dalka

    15 October 2026

    Ciidamada Laftagareen oo la-wareegay Buurhakaba & Wararkii ugu dambeeyay

    15 October 2026

    Qaramada Midoobay iyo Soomaaliya oo ka arrinsaday xil-wareejinta UNTMIS iyo amniga dalka

    15 October 2026
    Leave A Reply Cancel Reply

    Demo
    Our Picks

    Remember! Bad Habits That Make a Big Impact on Your Lifestyle

    13 January 2021

    The Right Morning Routine Can Keep You Energized & Happy

    13 January 2021

    How to Make Perfume Last Longer Than Before

    13 January 2021

    Stay off Social Media and Still Keep an Online Social Life

    13 January 2021
    • Facebook
    • Twitter
    • Pinterest
    • Instagram
    • YouTube
    • Vimeo
    Don't Miss
    LATEST NEWS

    Farmaajo oo ka digay khilaaf siyaasadeed, kuna baaqay doorasho heshiis lagu yahay

    By Banaadir2415 October 20260

    Muqdisho (Banaadir24) — Madaxweynihii 9-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa si xooggan…

    Share this:

    • Share on Facebook (Opens in new window) Facebook
    • Share on X (Opens in new window) X

    Like this:

    Like Loading…

    Akhriso: Guddiga Doorashooyinka oo shaaciyay doorashooyinka 2-da Aqal iyo tan Madaxweynaha Dalka

    15 October 2026

    Ciidamada Laftagareen oo la-wareegay Buurhakaba & Wararkii ugu dambeeyay

    15 October 2026

    Qaramada Midoobay iyo Soomaaliya oo ka arrinsaday xil-wareejinta UNTMIS iyo amniga dalka

    15 October 2026

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from SmartMag about art & design.

    About Us
    About Us

    Banaadir24 is an independent online news platform dedicated to delivering timely, accurate, and balanced coverage of news and events in Somalia and beyond.

    Recent Posts
    • Farmaajo oo ka digay khilaaf siyaasadeed, kuna baaqay doorasho heshiis lagu yahay
    • Akhriso: Guddiga Doorashooyinka oo shaaciyay doorashooyinka 2-da Aqal iyo tan Madaxweynaha Dalka
    • Ciidamada Laftagareen oo la-wareegay Buurhakaba & Wararkii ugu dambeeyay
    • Qaramada Midoobay iyo Soomaaliya oo ka arrinsaday xil-wareejinta UNTMIS iyo amniga dalka
    • Dagaal culus oo ka socda Buurhakaba, Ciidanka Laftagareen oo weerar culus ku…

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Latest News
    • About Us
    • Contact Us
    © 2026 banaadir24. Designed by banaadir24.

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    Sign In or Register

    Welcome Back!

    Login to your account below.

    Lost password?
    %d