LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Wasiir hore oo ku geeriyooday magaalada Garowe

Waxaa shalay galab ku geeriyooday magaalada Garoowe ee caasimadda dowlad goboleedka Puntland wasiirkii hore ee amniga Maamulka Puntland.

Allaha u naxariistee geerida wasiirkii hore ee Puntland Xasan Cismaan Aloore, ayaa waxaa xaqijiiyay qaar kamida ehelladiisa.

Xasan Cismaan Aloore, ayaa waxaa la sheegay in muddooyinkaan dambe uu ku xanuunsanayay magaalada Garoowe.

Xasan Aloore ayaa wasiirka amniga iyo agaasimaha hay’adda macdanta ka soo noqday dowladihii Cabdiwali Maxamed Cali Gaas iyo Cadde Muuse, waxaana geeridiisa ka tacsiyadeeyay mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Puntland iyo shacabka Puntland oo marxuumka ilaahay uga baryay inuu janadii fardowsa ka waraabiyo, qoyskiisana Samir iyo iimaan ka siiyo.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *