LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Koonfur Galbeed oo Gashay Marxalad Xasaasi ah, Laftagareen oo Degdeg ugu Laabanaya Baydhabo

Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, ayaa si degdeg ah uga soo laabtay Boqortooyada Sacuudi Carabiya saaka aroortii hore, isagoo soo gaabiyay safar uu halkaas ugu maqnaa gudashada Cumrada, si uu ugu laabto magaalada Baydhaba.

Ilo xog-ogaal ah ayaa sheegay in Laftagareen uu ka ambabaxay Sacuudiga abaare 5:00 subaxnimo, isla markaana uu soo maray magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya ka hor inta uusan u sii gudbin Baydhabo. Waxaa la filayaa inuu maanta halkaas ku qabto shir jaraa’id oo uu kaga hadlayo xaaladda siyaasadeed ee ka taagan Koonfur Galbeed.

Soo laabashadiisa degdegga ah ayaa kusoo beegmeysa xilli amar lagu siiyay qaar ka mid ah taliyeyaasha ciidamada milatariga, booliska iyo sirdoonka ee Baydhabo inay u safraan magaalada Muqdisho, taas oo sii kordhisay hadal-haynta ku saabsan xaalad siyaasadeed oo cusub oo ka taagan maamulka Koonfur Galbeed.

Madaxweyne Laftagareen ayaa wajahaya culeys siyaasadeed oo isa soo taraya, iyadoo khilaaf u dhexeeya maamulka Koonfur Galbeed iyo dowladda federaalka ee Soomaaliya uu soo ifbaxay bilihii u dambeeyay. Xiisaddan ayaa mararka qaar gaartay isku dhacyo hubeysan oo ka dhacay Baydhabo, kuwaas oo sababay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac. 

Sidoo kale waxaa jira cadaadis siyaasadeed oo gudaha ah, iyadoo siyaasiyiin iyo mucaarad ka tirsan Koonfur Galbeed ay dhaliileen hoggaamintiisa, halka qaar kale ay bilaabeen olole siyaasadeed oo la xiriira mustaqbalka hoggaanka maamulka. 

Warar kale ayaa sheegaya in xiisadda siyaasadeed ay sii kordhayso, iyadoo meelo ka mid ah Koonfur Galbeed laga dareemayo dhaq-dhaqaaqyo ciidan iyo walaac laga qabo isku dhacyo cusub, taas oo muujinaysa xaalad siyaasadeed oo aad u xasaasi ah. 

Indhaha siyaasadda Soomaaliya ayaa hadda si gaar ah ugu jeeda magaalada Baydhabo, halkaas oo la filayo in maalmaha soo socda ay ka soo baxaan go’aanno iyo hadallo rasmi ah oo caddeyn kara waxa dhab ahaan ka socda Koonfur Galbeed.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *