War Wanaagsan: Garsoore Mareykan ah oo joojiyay qorshe lagu masaafurin lahaa Soomaali badan

Maxkamad ku taalla gobolka Massachusetts ee dalka Mareykanka ayaa Jimcihii si ku-meelgaar ah u hakisay qorshe lagu joojin lahaa Temporary Protected Status (TPS) ee muhaajiriinta ka soo jeeda Soomaaliya.
Garsooraha Maxkamadda Federaalka, Allison D. Burroughs, ayaa go’aankeeda ku sheegtay in ay jiri doonaan “cawaaqib culus” haddii aqoonsiga TPS ee Soomaaliya la joojiyo sida loo qorsheeyay Talaadada soo socota.
Dacwadda degdegga ah ayaa waxaa gudbiyay kooxo u dooda xuquuqda muhaajiriinta, kuwaas oo maxkamadda ka codsaday in la hakiyo joojinta TPS, kaddib markii maamulka Madaxweyne Donald Trump uu bishii hore ballan qaaday inuu soo afjari doono barnaamijkaas, xilli uu adkeynayo siyaasadaha socdaalka gaar ahaan magaalada Minneapolis, halkaas oo ay ku nool yihiin Soomaali badan.
Go’aanka maxkamadda ayaa lagu sheegay in in ka badan kun qof ay wajihi doonaan “halisyo badan oo aad u culus”, kuwaas oo ay ka mid yihiin xabsi iyo masaafurin, suurtagalnimada in ay la kulmaan rabshado haddii dib loogu celiyo Soomaaliya, iyo kala fogaansho qoysaskooda.
Garsoore Burroughs ayaa sheegtay in hakinta maamulka iyo dib u dhigista go’aanka kama dambaysta ah ay siinayso labada dhinac waqti ay ku gudbiyaan qoraalladooda sharci ee ku saabsan codsiga degdegga ah.
“Inta uu hakintani shaqaynayo, joojinta TPS waxay noqonaysaa mid aan jirin, sharciyadna lahayn,” ayay tiri maxkamaddu.
Go’aanka ayaa sidoo kale caddeeyay in dadka haysta TPS ama kuwa codsigoodu weli socdo ay sii haysanayaan xuquuqdooda, oo ay ku jiraan oggolaanshaha shaqada iyo ilaalinta ka hortagga masaafurinta ama xadhigga.
Dhanka kale, Waaxda Amniga Gudaha ee Mareykanka (DHS) ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in go’aanka garsoore uu magacaabay madaxweynihii hore Barack Obama uu yahay tusaale kale oo ka hor istaagaya maamulka Trump inuu “dib u soo celiyo hufnaanta nidaamka socdaalka ee Mareykanka.”
“Ku-meelgaar micnaheedu waa ku-meelgaar,” ayaa lagu yiri bayaanka. “Xaaladaha Soomaaliya ayaa soo hagaagay ilaa heer aanay mar dambe buuxin shuruudaha sharciga ee Temporary Protected Status. In muwaadiniinta Soomaaliyeed loo oggolaado inay si ku-meelgaar ah ugu sii nagaadaan Mareykanka waxay ka hor imanaysaa danaha qarankeena. Maamulka Trump wuxuu mudnaanta siinayaa dadka Mareykanka.”
Si kastaba ha ahaatee, qareennada iyo wakiillada dacwadda ka gudbiyay joojinta TPS ayaa sheegay in inkasta oo amarku yahay mid ku-meelgaar ah oo “dagaallo badan oo sharci ay weli ka horreeyaan,” haddana ay ku faraxsan yihiin ilaalinta ku meel gaarka ah ee amarkan uu siinayo dhammaan Soomaalida ku sugan Mareykanka ee haysta TPS ama codsiyada TPS.









