Sheekh Shariif oo hambalyo u diray Madaxweynaha la doortay ee Koonfur Galbeed

Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa Hambalyo u diray madaxda dib loo doortay ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Mudane Madaxweyne Cabdicasis Maxamed Xasan (Laftagareen) iyo Guddoomiyaha Golaha Wakiillada KGS, Mudane Dr. Cali Saciid Fiqi.
Sidoo kale, Sheekh Shariif ayaa bogaadin u diray xubnaha Golaha Wakiillada 3-aad ee KGS ee dhawaan la dhaariyay, isagoo tilmaamay in doorashadan ay meesha ka saartay hubanti la’aantii siyaasadeed ee hay’adaha maamulka.
Madaxweyne hore Sheekh Shariif ayaa ugu baaqay maamullada kale ee muddo xileedkoodu dhamaaday inay si deg-deg ah u qabtaan doorashooyinka heer Dowlad Goboleed, si looga baxo firaaqa maamul loogana hortago xasillooni darro saameyn karta amniga qaranka.
Dhanka kale, Sheekh Shariif wuxuu uga digay Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaadka yahay Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, in xal siyaasadeed lagu raadiyo awood ciidan ama qoriga caarradiisa, taasoo aan marnaba suuragal ahayn islamarkaana abuuri karta kalsooni darro iyo khilaaf sokeeye.
Sheekh Shariif wuxuu xusay in madaxda dowladda dhexe maanta u furan tahay hal waddo oo keliya: inay muujiyaan masuuliyad qaran, ayna ka shaqeeyaan xasiloonida dalka, halkii ay u horseedi lahaayeen qalalaase siyaasadeed oo halis gelin kara geedi-socodka dowlad-dhiska iyo hannaanka doorashooyinka afartii sannaba mar.









