LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Feysal Cali Waraabe oo Xasan Sheekh Uga Digay Talaabo Milatari

Injineer Faysal Cali Waraabe ayaa digniin adag u diray Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, isaga oo uga digay waxa uu ku tilmaamay “gardarro iyo weerar aan caddaalad ahayn” oo lagu qaado magaalada Baydhabo.

Siyaasiga rug cadaaga ah ee Faysal Cali Waraabe ayaa Madaxweynaha uga digay inuu bilaabo tallaabo ciidan oo ka dhan ah Baydhabo, isagoo carrabka ku adkeeyay in magaaladaasi tahay deegaan nabdoon oo Soomaaliyeed. Wuxuu xusay in weerar noocaas ah uu noqon karo mid aan cadaalad ahayn, isla markaana halis gelin kara xasilloonida deegaanka oo hadda deggan.

Faysal Cali Waraabe ayaa sidoo kale muujiyay walaac ku aaddan saameynta ay tallaabooyinkaasi ku yeelan karaan xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan marka la eego xiisadaha siyaasadeed ee sii kordhaya.

Hadalkan ayaa imaanaya xilli ay sare u kacayaan xiisadaha siyaasadeed ee dalka, taasoo dhalisay cabsi laga qabo isku dhacyo gudaha ah iyo saameynta ay ku yeelan karaan xasilloonida qaranka Soomaaliya.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *