Itoobiya oo ciidamo iyo gaadiid dagaal soo galisay Baydhabo si ay u difaacaan Laftagareen

Warar kala duwan oo isa soo taraya ayaa sheegaya in xalay magaalada Baydhabo ay gaareen gaadiid dagaal oo si weyn u gaashaaman, kuwaas oo sare u qaaday dareenka amni ee magaalada.
Ilo wareedyo kala duwan ayaa tilmaamaya in ciidamada wata gaadiidkan ay ka tirsan yihiin Ciidamada Difaaca Qaranka Itoobiya (ENDF), islamarkaana ay gudaha u soo galeen Soomaaliya iyagoo ka soo tallaabay gobolka Gedo.
Warar kale ayaa intaas ku daraya in ciidamo dheeraad ah ay ku sii jeedaan Baydhabo, kuwaas oo la sheegay inay horay uga soo gudbeen degmada Doolow.
Dhanka kale, ilo kale ayaa sheegaya in qaar ka mid ah ciidamadaasi ay ka yimaadeen gobollo kala duwan oo ka tirsan Soomaaliya, taasoo sii kordhinaysa jahwareerka ku xeeran cidda dhabta ah ee ku lug leh dhaq-dhaqaaqyadan militari.
Horumarradan ayaa imanaya xilli ay si xowli ah u sii kordhayaan xiisadaha u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, kuwaas oo la xiriira khilaaf ka taagan arrimaha doorashooyinka.









