Madaxweyne Laftagareen oo hanjabaad culus u diray Dowladda Federaalka

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, ayaa si adag uga hadlay weerarka ay dowladda federaalka Soomaaliya qorsheyneyso inay ku qaado magaalada Baydhabo ee caasimadda kumeel gaarka ah ee maamulka Koonfur Galbeed.
Madaxweynaha oo qoraal kooban soo dhigay barta uu ku leeyahay X oo horey loogu magacaabi jiray (Twitter) ayaa ka digay weerar kasta oo lagu qaado magaalada Baydhabo ama guud ahaan deegaannada Koonfur Galbeed, isagoo ku hanjabay in tallaabo kasta oo noocaas ah lagu wajihi doono jawaab ciidan oo culus oo aan laga laaban doonin.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale farriin u diray Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, isaga oo ku boorriyay in uu ka faa’iideysto muddada kooban ee uga harsan xilkiisa si uu uga fogaado dhiig daadinta shacabka Soomaaliyeed, isla markaana uu door muuqda ka qaato raadinta xal lagu gaari karo hannaan doorasho oo hufan, daahfuran, isla markaana lagu kalsoonaan karo.
“ Weerar kasta oo lagu qaado Baydhabo ama dhulka Koonfur Galbeed waxaa lagu wajihi doonaa jawaab ciidan oo aad u culus oo ku habboon. Waxaan ugu baaqayaa Madaxweyne Xasan Sheekh inuu ka faa’iideysto waqtiga kooban ee uga harsan xilkiisa, uuna ka fogaado daadinta dhiigga Soomaaliyeed, isla markaana ka shaqeeyo sidii xal loogu heli lahaa hannaan doorasho oo hufan oo lagu kalsoonaan karo”. Ayuu qoraalkiisa ku yiri Madaxweyne Laftagareen.









