LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Eedeymo Layaab Leh: Koonfur Galbeed oo Sheegtay Wada-shaqeyn Qarsoodi ah oo u Dhaxeysa DFS & Al-Shabaab

Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya waxay si adag u cambaareyneysaa falalka marin-habaabinta, dacaayadda, iyo wararka aan salka lahayn ee ay wado Dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwaas oo si toos ah uga dhan ah madaxda, hay’adaha, iyo jiritaanka Dowladda Koonfur Galbeed.

Dowladda Koonfur Galbeed waxay falalkaas u aragtaa kuwo si weyn u wiiqaya kalsoonida shacabka, isla markaana dhaawacaya wadajirka, nabadda, iyo xasilloonida dalka.

Sidoo kale, Dowladda Koonfur Galbeed waxay walaac xooggan ka muujinaysaa waxa ay ku tilmaamtay heshiisyo hoose iyo wada-shaqeyn qarsoodi ah oo ka dhaxeysa kooxda khawaarijta Al-Shabaab iyo hoggaanka Dowladda Federaalka, gaar ahaan Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo xukuumaddiisa. Dowladda Koonfur Galbeed waxay arrintaas u aragtaa mid khatar toos ah ku ah amniga qaranka, midnimada dalka, iyo badqabka shacabka Soomaaliyeed.

Dhanka kale, waxaa jira caddeymo muujinaya wada-shaqeyn iyo isku milan u dhexeeya Al-Shabaab iyo Dowladda Federaalka, oo ay ka mid yihiin in saraakiil iyo agab ciidan la soo mariyey deegaanno ay maamulaan Al-Shabaab.

Sidoo kale, waxaa la xaqiijiyey in dowladda ay xerooyin ciidan ka samaysatay gudaha iyo goobaha ay argagixisadu ka taliso.

Intaa waxaa dheer, ciidamo lagu sheegay in loo adeegsanayo la dagaallanka argagixisada oo aan xaqiijinay inaysan ahayn sida ay usheegeen shalay la geeyay degmada Bardaale, iyadoo sidoo kalena ay jiraan ciidamo kale oo la soo dhex mariyey Al-Shabaab oo kusoo duulay Baydhabo. Iyadoo caawa ciidamada Dowladda iyo kooxda khawaarijta Al-shabaab ay wada joogaan iyagoo hal saf ah duulaana ku soo ah magaalada Baydhabo.

DHAMAAD.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *