Muqdisho (Banaadir24) — Ugaaska guud ee beesha Xawaadle ayaa soo saaray baaq culus oo ku aaddan abaabul ciidan oo ka socda gobolka Hiiraan, isaga oo xubnaha beesha ugu baaqay inay isu diyaariyaan dagaal muddo dheer socon kara oo uu sheegay in lagula jiro ciidamo uu ku eedeeyay inay ku soo wajahan yihiin deegaannada gobolka.
Ugaaska ayaa sheegay in qof kasta oo ka tirsan beesha looga baahan yahay inuu qayb ka noqdo abaabulka, isaga oo xusay in dadka ay diyaar u noqdaan inay dagaallamaan ama dhaqaale ku taageeraan.
“Qof kasta waa inuu diyaar u noqdaa, haddii uu dagaallamayo iyo haddii uu dhaqaale ku taageerayo,” ayuu yiri Ugaasku.
Isaga oo la hadlayay shacabka gobolka Hiiraan, ayuu ku baaqay in la difaaco dhulka iyo sharafta bulshada Xawaadle, isaga oo ku eedeeyay ciidamada ka hor imaanaya inay yihiin maleeshiyaad beeleed oo magaca dowladda federaalka ku shaqeynaya.
Baaqiisa ugu culus ayuu u jeediyay ciidamada ka soo jeeda beesha Xawaadle ee ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, kuwaas oo uu ugu baaqay inay ka baxaan fariisimahooda milatari ee dowladda, isla markaana ugu soo biiraan ciidamadiisa magaalada Beledweyne ugu dambeyn berri subax.
Sidoo kale, Ugaaska ayaa xubnaha beesha Xawaadle ee doonaya inay ka qayb qaataan abaabulka ku amray inay berri subax isugu yimaadaan hoygiisa, isaga oo sheegay in loo diyaar garoobo iska horimaad muddo dheer socon kara.
Dhanka kale, wuxuu farriin u diray ciidamada Xoogga Dalka ee ka soo jeeda beelaha kale, isaga oo ugu baaqay inaysan ka qayb qaadan howlgallada milatari ee ka dhanka ah beesha Xawaadle.
Ugaaska ayaa sidoo kale su’aal geliyay sharciyadda dowladda federaalka, isaga oo ku dhawaaqay in muddadii loo igmaday ay dhammaatay.
Hadalka Ugaaska ayaa kusoo aadaya xilli ay sii xoogeysanayaan xiisadaha siyaasadeed iyo kuwa amni ee ka jira gobolka Hiiraan, waxaana baaqa ku saabsan in ciidamada Xawaadle ay ka baxaan Xoogga Dalka uu dhalinayo walaac la xiriira kala qaybsanaan ka dhex dhalata hay’adaha amniga qaranka iyo suurtagalnimada iska horimaad hubeysan.
