Muqdisho (Banaadir24) — Jeneraal Saadaq Joon ayaa jawaab adag ka bixiyey hadal uu jeediyey Jeneraal Cabdalla Cabdalla, kaas oo ka digay khatar amni oo Soomaaliya wajihi karta haddii ciidamada Uganda ee UPDF ay dalka ka baxaan.
Gen. Cabdalla Cabdalla ayaa sheegay in Soomaaliya ay wajahayso khatar amni oo aan la dhayalsan karin, isagoo xusay in bixitaanka ciidamada UPDF uu sababi karo firaaq amni oo khatar gelin kara amniga dalka.
Hase yeeshee, Gen. Saadaq Joon ayaa si toos ah uga falceliyey hadalkaas, isagoo Cabdalla ku eedeeyey inuu dirayo fariin uu ku tilmaamay mid Shabaabaysan, isla markaana la xiriirta waxa loo yaqaan “Inside Job”, oo ah shaqo gudaha laga soo abaabulay.
Jawaabta Saadaq Joon ayaa dhalisay hadal-hayn ku saabsan kala aragti duwanaanshaha labada jeneraal, xilli ay taagan tahay dood ku saabsan mustaqbalka ciidamada Midowga Afrika ee Soomaaliya iyo saameynta ay yeelan karto bixitaanka ciidamada shisheeye.
Labada hadal ayaa muujinaya sida ay u kala duwan yihiin aragtiyaha laga qabo xaaladda amni ee dalka iyo doorka ciidamada shisheeye ee Soomaaliya.
