Dhacdo Naxdin Leh oo ka dhacday Beledweyne: Hooyo Xaamilo ah iyo Ilmaheeda oo la Dilay

Wararka ka imanaya magaalada Beledweyne ee Xarunta gobolka Hiiraan ayaa sheegaya dhacdo aad u murugo badan oo halkaas ka dhacday, taas oo si weyn u gilgishay shacabka Magaalada, isla markaan aaad loo hadal-aahyo 24-kii Saac ee la soo dhaafay.
Ilo deegaanka ah ayaa xaqiijiyay in nin lagu magacaabo Ibrahim Defow, oo la sheegay inuu yahay Sarkaal ciidan isla markaana heysta maleeshiyaad beeleed badan, uu ku lug yeeshay fal dil ah oo naxdin leh oo xalay ka dhacay gudaha Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.
Sida wararku tilmaamayaan, guriga Ibrahim Defow ayaa waxaa lagu weeraray bam, waxaana qaraxaasi ku dhintay wiil uu dhalay Defow, taas oo keentay in falkaasi uu ka caroodo, isla markaana,kadib dhacdadaas Defow uu gacanta ku dhigay haweeney xaamilo ah, iyadoo la sheegay in aabaheed uu ka tirsanaa Al-Shabaab.
Wararku waxay sheegayaan in Defow uu haweeneyda ku qasbay inay wacdo aabaheed, kadibna markii xiriirka la sameeyay uu taleefanka ka qaatay, isagoo la hadlayay odayga. Inta lagu guda jiray wicitaankaas ayuu la sheegay inuu dhowr xabadood ku dhuftay haweeneydii.
Intaas kadib, haweeneyda ayaa banaanka lagu soo tuuray, iyadoo dhaawac culus qabta. Dadka deegaanka ayaa u gurmaday, waxayna geeyeen isbitaalka magaalada Beledweyne.
Dhakhaatiirta isbitaalka ayaa isku dayay inay sameeyaan qalliin si loo badbaadiyo ilmaha caloosha ku jiray, balse nasiib darro, hooyadii iyo cunugii caloosha ku jirayba way geeriyoodeen.
Dhacdadan ayaa si weyn u kicisay dareenka bulshada, iyadoo dad badan ay cambaareynayaan falkaasi, kuna tilmaamay mid ka baxsan bini’aadantinimada.









