LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Deni oo Xasan Sheekh u sheegay inuusan qori ku qabsan karin Puntland

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa si cad u sheegay in isbeddel siyaasadeed oo Puntland ka dhaca aan lagu gaari karin awood ciidan ama hub, balse uu ku imaan karo oo keliya doorashooyin xor iyo xalaal ah.

Isagoo ka hadlayay kulan uu la yeeshay hay’adaha dowladda Puntland, Deni ayaa sheegay in cid kasta oo rumeysan inay Puntland ku qabsan karto xoog hubeysan ay is-khiyaaneyso.

“Kuwa meelaha qarsoon lagu sameeyay ee aaminsan in dalka qori lagu maamuli karo way is-khiyaaneeyeen. Waxaan ku dhaaranayaa in hal qof uusan Puntland xoog ku qabsan karin,” ayuu yiri Madaxweyne Deni.

Madaxweynaha Puntland ayaa sidoo kale ku faanay in maamulkiisu hormuud u noqday hirgelinta doorashooyin hufan oo xor iyo xalaal ah, isagoo tilmaamay in gaar ahaan doorashooyinka goleyaasha deegaanka ay Puntland tusaale u noqotay Soomaaliya inteeda kale.

Deni ayaa dhanka kale dhaliil u jeediyay habka doorashooyinka ee ka socda Muqdisho, isagoo sheegay in natiijooyinka doorashooyinka qaarkood hore loo sii go’aamiyo, isla markaana heshiisyo siyaasadeed lagu sii kala qaato cidda guuleysaneysa.

“Waxaa jira doorashooyin hore loogu sii heshiiyo cidda ku guuleysaneysa, natiijaduna la sii ogyahay ka hor inta aan cod la dhiiban,” ayuu yiri.

Hadallada Madaxweynaha Puntland ayaa imanaya xilli Soomaaliya ay ka socdaan doodo xooggan oo ku saabsan hannaanka doorashooyinka, dib-u-habeynta nidaamka dowladnimada iyo mustaqbalka geeddi-socodka dimuqraadiyadda ee heer federaal iyo heer dowlad-goboleed.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *