Dowladda Soomaaliya oo u hanjabtay mucaaradka hadii ay isku dayaan inay…

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa hadal adag ka jeediyay mucaaradka iyo xaaladda siyaasadeed iyo amni ee dalka, isagoo sheegay in haddii mucaaradku la yimaadaan maleeshiyaad, dowladda ay ka jawaabi doonto.
Fiqi oo hadalkiisa ku wajahnaa mucaaradka ayaa sheegay in haddii ay “maleeshiyaad soo wataan”, ay heli doonaan jawaab ka xoog badan tii hore, isagoo dhinacyada siyaasadda ugu baaqay in aysan ku tiirsanaan xiriirro beeleed.
“Gacantii hore mid ka wayn ayay u baahan yihiin,” ayuu yiri Fiqi, isagoo ka hadlayay haddii mucaaradka ay adeegsanayaan maleeshiyaad.
Wasiirku sidoo kale wuxuu sidoo kale hadlay habka ay kooxaha iyo beelaha qaarkood ugu kala qaybsanaan jirtay xilliyadii dagaaladii sokeeye iyo hogaamiye kooxeedyada magaalada Muqdisho, isagoo sheegay in magaalada loo kala xiray qaybo badan, isla markaana ay jireen caqabado saameeyay adeegyada bulshada iyo howlaha magaalada.
Fiqi ayaa tusaale u soo qaatay arrimo ay ka mid yihiin qaadista qashinka, furitaanka dekedda iyo garoonka diyaaradaha, isagoo hadalkiisa ku xiriiriyay xaaladdii ay soo martay magaalada Muqdisho.
Hadalladan ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya dowladda Federaalka iyo qaar ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka.








