LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Thaabit Cabdi oo si kulul uga hadlay tallaabo ay qaaday Dowladda Soomaaliya

Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir ahna Duqii hore ee Magaalada Muqdisho, Taabid Cabdi Maxamed, ayaa si kulul uga hadlay xiisadda iyo muranka ka dhashay barakicinta shacabka ku nool qaar kamid ah degmooyinka magaalada Muqdisho, isagoo cambaareeyay burburinta guryaha iyo tallaabooyinka xoogga ah ee lagu qaaday dadka rayidka ah.

Taabid ayaa sheegay in muddooyinkii dambe ay magaalada Muqdisho ka jireen falal la xiriira isku dayo xoog lagu maquuninayo shacabka degan dhulalka, arrintaas oo uu ku tilmaamay mid si toos ah u saameyneysa bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan dadka nugul ee aan awoodin inay iska difaacaan barakicinta iyo dhibaatooyinka kale ee la xiriira hoy la’aanta.

Guddoomiyihii hore ee Banaadir ayaa xusay in ay horey u dhaceen dhacdooyin murugo leh oo sababay dhaawacyo iyo dhibaatooyin bani’aadannimo, kadib markii guryo lagu dumiyay dad shacab ah xilliyo habeenimo ah ama xilli aysan awoodin inay hantidooda kala baxaan.

“Waxaa si arxan darro ah loo dumiyay guryo ay dad ku jireen, iyadoo qaar kamid ah shacabka ay hurdeen ama aysan helin waqti ay hantidooda ku badbaadsadaan,” ayuu yiri Taabid Cabdi Maxamed.

Sidoo kale wuxuu sheegay in xaaladda hadda taagan ay gaartay heer shacabka qaarkood ay la kulmaan cabsi gelin iyo qalalaase ka dhashay waxa uu ku tilmaamay “xoog sheegad dowladnimo” oo habeen barkii ah lagu fulinayo.

Taabid Cabdi ayaa ugu baaqay dowladda Federaalka Soomaaliya inay ilaaliso sharciga, xuquuqda muwaadiniinta iyo karaamada shacabka Soomaaliyeed, isagoo xusay in tallaabo kasta oo la qaado ay leedahay mas’uuliyad iyo isla xisaabtan mustaqbalka ah.

Waxa uu sidoo kale tilmaamay in waqtiga sharciyeed ee dowladda hadda jirta ay ka harsan yihiin siddeed maalmood oo keliya, isaga oo carrabka ku adkeeyay in aan loo baahnayn in xaaladda lagu sii kiciyo falal horseedi kara cabashooyin iyo xisaabtan dambe.

Hadalkan kasoo yeeray Taabid Cabdi Maxamed ayaa kusoo aadaya xilli maalmihii ugu dambeeyay ay magaalada Muqdisho ka socdeen burburinno iyo barakicin sababay caro iyo walaac ay muujiyeen bulshada qeybaheeda kala duwan.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *