Qaramada Midoobay oo bilaawday kala dirista shaqaaleheeda, kana bexeysa Soomaaliya

Qaramada Midoobay ayaa bilaawday qorshe lagu dhimayo shaqaalaha iyo iibinta qaar ka mid ah hantida iyo qalabka ay ku leedahay Soomaaliya, taas oo muujinaysa in xasaradda dhaqaale ee taageerada howlgalka amniga Soomaaliya ay gaartay heer hawlgalka si toos ah u saameynaya.
Ugu yaraan 10 shaqaale rayid ah oo ka tirsan kooxda taageerada xogta ee Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay ayaa lagu wargeliyay in qandaraasyadoodu dhammaanayaan 10-ka Sebtembar, iyadoo la filayo in shaqaale kale laga jaro maalmaha soo socda.
Dhanka kale, UNSOS, oo mas’uul ka ah saadka, gaadiidka, hoyga, caafimaadka iyo taageerada kale ee ciidamada howlgalka Midowga Afrika, ayaa bilaabay hannaan lagu iibinayo qalab ay ka mid yihiin gaadiid, qalabka xafiisyada, mashiinno culus, xarumo caafimaad, hoy prefabricated ah iyo qalab la xiriira hawlgallada milatari iyo duulista.
Arrintan ayaa imaanaysa xilli Maraykanku uu bishii July joojiyay maalgelintii uu siinayay UNSOS, taasoo cadaadis weyn saartay nidaamka dhaqaale ee taageera howlgalka amniga Soomaaliya. Inkastoo miisaaniyad dhan $481 milyan loo ansixiyay sannad-maaliyadeedka ilaa Juun 2027, Mareykanka ayaa sheegay inuu ka hor imaan doono isticmaalka miisaaniyaddaas wixii ka dambeeya 31-ka Diseembar 2026.
Howlgalka AUSSOM wuxuu hadda leeyahay ku dhowaad 11,862 askari iyo boolis, waxaana jira walaac laga qabo in haddii maalgelintu sii xumaato, dhimista shaqaalaha rayidka ah ay ugu dambeyn saameyn karto ciidamada ku tiirsan taageerada UN-ka ee saadka, gaadiidka, isgaarsiinta iyo caafimaadka.
Dhanka Soomaaliya, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhawaan sheegay in ciidamada Soomaaliyeed ay diyaar u yihiin inay si buuxda ula wareegaan mas’uuliyadda amniga dalka, isagoo xusay in ciidamada Midowga Afrika ay Soomaaliya ka bixi karaan. Laakiin dalalka ciidamadoodu joogaan Soomaaliya, gaar ahaan Uganda, ayaa muujiyay inay doonayaan inay sii joogaan.









