Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay geerida 17 dhallinyaro tahriibayaal ah

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadashay geeri naxdin leh oo ku timid dhallinyaro Soomaaliyeed oo tahriibayaal ahaa, kuwaas oo ku dhintay badda u dhexeysa dalalka Aljeeriya iyo Spain.
Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka, Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa xaqiijiyay in 17 dhallinyaro Soomaaliyeed ay ku geeriyoodeen shilkaasi, xilli ay isku dayayeen inay si tahriib ah ugu gudbaan qaaradda Yurub.
Guddoomiyaha ayaa sheegay in hay’addu ay hayso sawirrada qaar ka mid ah dhallinyarada geeriyootay, isla markaana uu ugu baaqay eheladooda inay la soo xiriiraan si loo xaqiijiyo aqoonsigooda.
“Waxaa na soo gaaray geeri aad u murugo badan oo ka dhacday badda u dhexeysa Aljeeriya iyo Spain, halkaas oo ay ku dhinteen 17 dhallinyaro Soomaaliyeed ah oo tahriibayay. Xogta aan hayno waxay muujineysaa in 12 ay yihiin wiilal, halka 5-na ay yihiin gabdho, da’dooduna u dhaxeyso 18 ilaa 30 sano,” ayuu yiri guddoomiyuhu.
Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray ehelada iyo qoysaska ay ka baxeen dhallinyaradaasi, iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed.
Sidoo kale, wuxuu sheegay in ay socdaan baaritaanno dheeraad ah oo lagu ogaanayo faahfaahin intaas ka badan, isagoo ugu baaqay waalidiinta iyo qaraabada dhallinyarada inay la xiriiraan hay’adda si ay u helaan xog ku saabsan ubadkooda.
Dhacdadan ayaa mar kale iftiimisay khatarta tahriibka, oo sannadihii u dambeeyay galaafatay nolosha boqolaal dhallinyaro Soomaaliyeed ah oo rajo ka qaba nolol ka wanaagsan tan ay ku sugan yihiin.









