10 Qodob Oo Xasaasi Ah Oo Ku Jiray Wareysigii Uu Bixiyay Madaxweyne Hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo

Muqdisho Madaxweynihii hore ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa wareysi uu bixiyay kaga hadlay arrimo siyaasadeed, amni iyo diblomaasiyadeed oo muhiim u ah dalka, isaga oo soo bandhigay aragtidiisa ku aaddan waxqabadkii dowladdiisa iyo xaaladda siyaasadeed ee haatan jirta.
Farmaajo ayaa sheegay in dowladdiisii ay dib-u-habeyn ku sameysay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, taasoo uu ku tilmaamay mid ka dhigtay ciidan xirfad leh, si joogto ah u mushahar qaata, isla markaana leh awood ay ku gutaan waajibaadkooda amni.
Isagoo ka hadlayay dhacdo weerar hore oo lala beegsaday madax sare oo ay ku jireen Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayuu Farmaajo su’aal geliyay is-waafaq la’aanta hadallada Madaxweynaha ee ku aaddan doorka Jeneraal Odowaa, arrintaas oo uu sheegay inay u baahan tahay caddeyn dheeraad ah.
Dhinaca kale, Farmaajo ayaa dhaliilay waxa uu ku tilmaamay hadallo is-khilaafsan oo kasoo yeeray Madaxweyne Xasan Sheekh waqtiyo kala duwan, isaga oo xusay in tani ay saameyn ku yeelan karto kalsoonida siyaasadeed.
Arrimaha dibadda, Farmaajo wuxuu difaacay go’aankii dowladdiisa ay ku taageertay dowladda Qatar xilligii uu socday khilaafkii Khaliijka, isagoo ku adkeystay in Soomaaliya ay xaq u leedahay inay si madax-bannaan u gaarto go’aannadeeda.
Sidoo kale, wuxuu sharaxaad ka bixiyay tallaabadii lagu eryay Imaaraadka Carabta, isagoo sheegay in ay ahayd mid looga hortagayay cadaadis dibadeed oo aan waafaqsaneyn danaha qaranka.
Marka laga hadlayo doorashadii 2017 iyo rajada shacabka, Farmaajo wuxuu sheegay in dowladdiisu ay ku shaqeysay qorshe cad oo lagu daboolayo baahiyaha muwaadiniinta.
Guulaha la gaaray, ayuu ku tilmaamay in deyn cafinta Soomaaliya ay ahayd mid ka mid ah waxyaabihii ugu waaweynaa ee lagu guuleystay, taasoo uu sheegay inay ku timid dadaal iyo juhdi badan.
Intaa waxaa dheer, Farmaajo wuxuu tilmaamay horumar laga sameeyay maamulka gudaha iyo dib-u-habeynno dowladeed intii uu xilka hayay.
Ugu dambeyn, wuxuu ka hadlay eedeymo la xiriira heshiisyo dekedo oo lala galay Itoobiya, iyo sidoo kale xasaraddii siyaasadeed ee 2011, isagoo xusay kaalintii uu ku lahaa Augustine Mahiga xil ka qaadistii raysal wasaare xilligaas.
Farmaajo ayaa sidoo kale sheegay in dalal dhowr ah, oo ay ku jirto Itoobiya, ay ka soo horjeedeen suurtagalnimada inuu mar kale ku soo laabto siyaasadda, sababo la xiriira mowqifkiisa ku dhisan qaranimada Soomaaliya.









