Nin ka tirsanaa Al-Shabaab una qori jiray dadka oo xabsi dheer lagu riday

Maxkamad ku taalla dalka Kenya ayaa xukun adag ku ridday muwaadin Soomaaliyeed oo lagu helay dambiyo la xiriira argagixiso, kadib markii lagu eedeeyay inuu xiriir la lahaa kooxda Al-Shabaab.
Maxkamadda Kahawa Law Courts ayaa ku xukuntay eedeysanaha, Cabdikariim Xasanow Xasan oo loo yaqaan Cali, xabsi dhan 20 sano, kaddib markii lagu helay dambiyo kala duwan oo la xiriira argagixiso.
Dacwadda oo ay hoggaaminaysay Xafiiska Dacwad-oogaha Guud ee Kenya, ayaa waxaa lagu taageeray afar markhaati oo maxkamadda horgeeyay caddeymo culus oo ka dhan ah eedeysanaha.
Garsooraha sare Boaz Ombewa, oo xukunka ku dhawaaqay, ayaa ku riday 10 sano oo xabsi ah dambiga ku biirista urur argagixiso dartiis.
Sidoo kale, maxkamaddu waxay ku xukuntay 10 sano oo kale dambiyo ay ka mid yihiin abaabulka kulamo lagu taageerayo koox argagixiso, wacyigelin xagjirnimo, qorista iyo fududeynta qorista dad cusub, iyo maalgelinta safarro la xiriira argagixiso.
Si kastaba ha ahaatee, garsooraha ayaa amar ku bixiyay in dhammaan xukunnadaas ay wada socdaan, taasoo ka dhigan in eedeysanaha uu hal mar qaadan doono 10 sano oo xabsi ah.
Maxkamaddu waxay caddeysay in dambiyadan lagu galay gudaha magaalada Kehancha ee gobolka Migori, halkaas oo lagu sheegay in eedeysanuhu si firfircoon uga qeyb qaatay howlaha Al-Shabaab, oo sharci-darro ka ah dalka Kenya.
Dacwad-oogayaasha ayaa sidoo kale sheegay in eedeysanuhu abaabulay qorista iyo marin-habaabinta ilmo yar, isaga oo ku qanciyay balanqaadyo ay ka mid yihiin lacag, tababar militari iyo abaalmarinno diini ah.









