LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Mid kamid ah La-taliyeyaasha ugu sareeya Madaxweyne Xasan Sheekh oo iscasilay

Cabdullaahi Maxamed Nuur, oo ahaa lataliyaha sare ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay inuu iska casilay xilkii uu ka hayay Madaxtooyada.

Qoraal uu soo saaray maanta oo ay taariikhdu tahay 26-ka April 2026, ayuu Cabdullaahi ku sheegay in go’aankiisa iscasiladda uu yimid kaddib markii uu tixgeliyey xaaladaha cakiran ee siyaasadeed ee dalka ka jira.

“Waxaan maanta iska casilay xilkii lataliyaha sare ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,” ayuu yiri Cabdullaahi Maxamed Nuur, isagoo intaas ku daray in ay jiraan caqabado iyo is-mariwaa siyaasadeed oo adag oo halis gelin kara xasilloonida siyaasadeed iyo amniga dalka.

Lataliyaha is casilay ayaa sidoo kale xusay inuu dhawaan si faahfaahsan ula wadaagi doono shacabka aragtidiisa ku aaddan sida xal loogu heli karo xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan xilligan kala guurka ah.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu tilmaamay in waqtigu aad u ciriiri yahay, maadaama muddada xilhaynta hay’adaha dowladda ee hadda jira ay ku egtahay 15-ka May 2026, isla markaana ay ka harsan tahay wax ka yar 20 maalmood.

Iscasilaadda Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa imaneysa xilli ay sii kordhayaan walaacyada la xiriira jihada siyaasadeed ee dalka iyo suurtagalnimada khilaafaad hor leh oo ka dhasha kala guurka doorashooyinka.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *