Trump si degdeg ah looga saaray goob ay xaflad Casho ka socotay kadib rasaas laga maqlay

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaan wax dhaawac ah kasoo gaarin, iyadoo sidoo kale saraakiil sare oo kale si nabad ah looga saaray casho sanadle ah oo ay qabanayeen wariyeyaasha Aqalka Cad habeenkii Sabtida, kadib dhacdo uu Adeegga Sirdoonka Mareykanka ku tilmaamay “weerar rasaaseed.”
Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in aysan jirin cid si degdeg ah loogu xaqiijiyay inay ku dhaawacantay dhacdadaasi.
Mas’uuliyiinta ayaa sheegay in rasaasta laga maqlay bannaanka hoolka lagu qabtay xafladda, halkaas oo Madaxweynaha iyo marti sharaf kale ay fadhiyeen.
Ciidamada Ammaanka iyo hay’ado kale ayaa si degdeg ah u hareereeyay goobta, gaar ahaan hoteelka Washington Hilton, iyadoo boqolaal ka mid ah martidii halkaasi ku sugneyd ay hoos galeen miisaska si ay uga badbaadaan xaaladda.
Goobjoogayaal ayaa sheegay in gudaha hoolka laga maqlayay qaylo iyo neeftuur cabsi leh, markii ay dadku ogaadeen in xaalad halis ah jirto.
War-saxaafadeed kasoo baxay ilaalada madaxweynaha ayaa lagu sheegay inay la shaqeynayaan booliska deegaanka si ay u baaraan weerarka oo ka dhacay meel u dhow aagga baaritaanka ee bannaanka goobta, iyadoo la xaqiijiyay in hal qof gacanta lagu dhigay.
Shir jaraa’id oo uu qabtay goor dambe oo Sabtidii ah, ayuu Madaxweyne Trump ku sheegay in eedeysanaha uu watay hub badan ka hor inta aysan joojin ciidamada ilaalada. Wuxuu sidoo kale sheegay in hal askari la toogtay, balse uu badbaaday maadaama uu xirnaa jaakad aysan xabaddu karin.









