DUNIDALATEST NEWSWARARKA

Trump oo shaaciyay inuu xoog kusii deynayo maraakiibta ku xanniban Marinka Hormuuz

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa sheegay in dowladdiisu ay bilaabi doonto hawlgal lagu “xoraynayo” maraakiibta ku xanniban Marinka Hormuz laga bilaabo maalinta Isniinta, isagoo tilmaamay in tallaabadan ay ka dhigan tahay jebinta xayiraadda ay Iran saartay marin-biyoodkan istaraatiijiga ah.

Trump ayaa Axaddii sheegay in hawlgalkan, oo uu ugu magac daray “Project Freedom”, uu ku yimid codsi uga yimid dalal ay maraakiibtoodu ku xayiran yihiin marinka, kuwaas oo uu ku sifeeyey “dalal dhexdhexaad ah oo aan waxba galabsan”.

“Danta Iran, Bariga Dhexe, iyo Mareykanka awgeed, waxaan u sheegnay dalalkan in aan si badbaado leh ugu hagi doonno maraakiibtooda si ay uga baxaan marin-biyoodkan xaddidan, si ay si xor ah ugu sii wataan ganacsigooda,” ayuu Trump ku yiri qoraal uu ku daabacay bartiisa Truth Social, isagoo aan shaacin dalalka si toos ah uga codsaday taageerada.

Trump ayaa sidoo kale xusay in maraakiib badan ay wajahayaan xaalad adag, oo ay ka mid tahay cunno yari iyo sahay kale oo muhiim u ah badbaadada shaqaalaha saaran.

“Qaar badan oo ka mid ah maraakiibtan waxay gabaabsi ka yihiin cunno iyo waxyaabaha kale ee lagama maarmaanka u ah shaqaalaha badan ee saaran si ay ugu sii joogaan xaalad caafimaad iyo nadaafadeed oo wanaagsan,” ayuu yiri.

Wuxuu intaas ku daray in cid kasta oo isku dayda inay farageliso hawlgalkan ay “la kulmi doonto jawaab xoog leh”.

Si kastaba ha ahaatee, weli ma cadda sida saxda ah ee hawlgalkan loo fulin doono, iyo in uu jiri doono iskaashi lala yeesho Tehran.

Tallaabadan ayaa halis gelin karta xabbad-joojinta jilicsan ee dhaqan gashay 7-da Abriil, haddii ay Iran ka hortagto.

Dhanka kale, Ebrahim Azizi, oo ah madaxa guddiga amniga qaranka ee baarlamaanka Iran, ayaa uga digay Mareykanka faragelin kasta oo uu ku sameeyo marinka.

“Marinka Hormuz iyo Gacanka Faaris laguma maamuli doono qoraallo mala awaal ah oo Trump uu soo dhigo! Cidna ma rumeysan doonto waxyaabaha noocaas ah,” ayuu Azizi ku yiri qoraal uu soo dhigay barta X.

Taliska dhexe ee ciidamada Mareykanka (CENTCOM) ayaa isna bayaan uu soo saaray ku sheegay in uu bilaabi doono taageerada maraakiibta ganacsiga ee doonaya inay si xor ah uga gudbaan marinka laga bilaabo Isniinta.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *