LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Golaha Mustaqbalka oo Shuruudo Ku Xiray Wada Hadalka Madaxweyne Xasan Sheekh

Golaha Mustaqbalka ayaa si rasmi ah u shaaciyay in ka qeybgalka wada hadalka uu ku baaqay Madaxweyne Xasan Sheekh ay ku xirayaan shuruudo adag oo ay u arkaan lama huraan si loo helo kalsooni siyaasadeed.

War-saxaafadeed kasoo baxay golaha ayaa lagu sheegay in shuruudaha ugu muhiimsan ay ka mid yihiin:

1- In si buuxda loo joojiyo dhammaan howlaha la xiriira doorashooyinka, dhaqdhaqaaq kasta oo dhaawici kara isu imaanshaha siyaasadeed, iyo ajande kasta oo ku saabsan doorashooyinka, haddii la doonayo wada hadal miro dhal ah.

2- In la helo dhexdhexaadiye madax-bannaan oo lagu kalsoon yahay, maadaama ay horey u fashilmeen wareegyo badan oo wada hadallo ah oo socday labadii sano ee lasoo dhaafay.

Golaha Mustaqbalka ayaa tilmaamay in inkastoo dhinacyadu ay faham guud ka gaareen baahida wada hadal, haddana ay jirto baahi loo qabo dhinac saddexaad oo dhexdhexaad ah, kaasoo noqon kara wakiillo caalami ah ama odayaal dhaqameed si wadajir ah loogu kalsoon yahay.

Dhanka kale, golaha ayaa digniin culus soo saaray, iyagoo sheegay in haddii aan xal laga gaarin xaaladda taagan ka hor 15-ka May, ay qaadi doonaan tallaabooyin ay ku sheegeen kuwo lagu badbaadinayo dowladnimada dalka, isla markaana aan la aqbali doonin firaaq dowladnimo ama mid dastuuri ah.

Xaaladda siyaasadeed ee dalka ayaa u muuqata mid sii cakirmeysa, iyadoo dadaallada lagu doonayo is-afgarad siyaasadeed ay weli wajahayaan caqabado waaweyn.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *