LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Askar uu ku jiro Sarkaal oo Lagu Dilay Duleedka Muqdisho

Ugu yaraan laba askari oo ka tirsan ciidamada ammaanka Soomaaliya, oo mid kamid ah uu ahaa sarkaal ayaa lagu dilay weerar ay fuliyeen rag hubeysan oo ka dhacay duleedka magaalada Muqdisho, sida ay xaqiijiyeen ilo rasmi ah iyo dad deegaanka ah.

Weerarkan ayaa ka dhacay waddada u dhaxeysa Afgooye iyo deegaanka Xaawo Cabdi ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Wararka hordhaca ah ayaa tilmaamaya in dilkan uu la xiriiri karo muran dhuleed iyo xiisado beeleed, inkastoo sababta dhabta ah ee ka dambeysa weerarka weli aysan si cad u caddayn.

Saraakiisha ammaanka ayaan weli si rasmi ah u xaqiijin faahfaahinta dhacdadan iyo cidda ka dambeysa weerarka, iyadoo ragga weerarka ku dilay askarta ay goobta ka baxsadeen.

Ma jirto illaa iyo hadda cid loo soo qabtay dilka loo geystay labada askari.

Dilalka la xiriira aanooyinka qabiil iyo dhulalka ayaa ka dhaca Soomaaliya waxana falkaan uu ku soo aadayaa xilli ammaanka magaalada Muqdisho iyo deegaanada u dhow dhow uu yahay mid aad u wanaagsan.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *