Ciidamadii Laftagareen oo kasoo dhaqaaqay gobolka Gedo Iyo Wararkii ugu dambeeyay

Wararka ka imaanaya gobolka Baay ayaa sheegaya in xaalad kacsanaan amni ay mar kale ka soo korortay deegaanada ku dhow magaalada Baydhabo, kadib markii ciidamo aad u tiro badan oo daacad u ah madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Lafta Gareen, ay bilaabeen dhaq-dhaqaaqyo militari oo si toos ah ugu wajahan xarunta gobolka.
Ciidamadan oo muddo maalmo ah ku sugnaa deegaanka Boholgaras, ayaa la sheegay in ay halkaas ka wadeen abaabul xooggan iyo diyaar-garow militari, iyadoo ilo deegaanka ah ay tilmaamayaan in ujeedkoodu ahaa weerar qorsheysan oo lagu qaado magaalada Baydhabo oo ah xarunta maamulka Koonfur Galbeed.
Wararka hadda soo baxaya ayaa xaqiijinaya in kumannaan askari oo si wanaagsan u hubeysan ay hadda dhaqaaqeen, iyagoo ku wajahan Baydhabo. Dhaqdhaqaaqan ayaa sare u qaaday cabsi laga qabo dagaal toos ah oo ka qarxa gudaha magaalada ama duleedkeeda, taasoo halis gelin karta amniga guud iyo nolosha shacabka rayidka ah.
Dadka deegaanka ayaa sheegay in xiisadda ay si degdeg ah u kordhayso, islamarkaana ay jiraan dhaq-dhaqaaqyo kale oo is barbar socda, oo ay wadaan ciidamada dowladda federaalka ee ku sugan magaalada Baydhabo.
Banaadir24 Online, ayaa ogaatay in dowladda federaalka Soomaaliya ay ciidamo dheeraad ah iyo hub culus geysay magaalada Baydhabo maalmihii lasoo dhaafay si ay uga hortagto dhaqdhaqaaqyada ay wadaan ciidamada maamulkii hore.
Falanqeeyayaal amni ayaa ka digaya in haddii aan si degdeg ah loo xakameyn xaaladda, Baydhabo ay geli karto xaalad dagaal oo saameyn ballaaran ku yeelan karta guud ahaan Koonfur Galbeed, islamarkaana sii hurin karta xasillooni darro ku sii faafta qeybo kale oo dalka ah.
Ilaa iyo hadda, wax war rasmi ah kama soo bixin maamulka hadda jira ee Koonfur Galbeed ama dowladda Federaalka Soomaaliya, hase yeeshee indhaha shacabka iyo kuwa beesha caalamka ayaa si dhow ula socda xaaladda sii cakirmeysa.









