Danjiraha Ingiriiska ee Soomaaliya oo iska indhatiray nabadda ka jirta Muqdisho kuna tilmaamay…

Danjiraha dowladda United Kingdom u fadhiya Soomaaliya Charles King, ayaa si faahfaahsan uga hadlay caqabadaha amni ee daran iyo duruufaha adag ee nololeed ee uu kala kulmo caasimadda Muqdisho, isagoo ku tilmaamay mid ka mid ah goobaha ugu halista badan ee diblomaasiyiintu ka shaqeeyaan caalamka.
Qoraal uu soo saaray ayuu ku sheegay in inta badan subaxyada uu ku tooso dhawaaqa diyaaradaha dagaalka ee F-16 iyo helikobtarrada dul heehaabaya magaalada, taasoo muujinaysa xaaladda amni ee weli jilicsan, inkastoo ay dalka ka soo gudbeen tobanaan sano oo colaado ah.
Danjiraha ayaa qiray in dhaqdhaqaaqiisa maalinlaha ah si weyn loo xaddiday, isaga oo adeegsada gaadiid gaashaaman isla markaana xirta qalab difaac ah, sababo la xiriira hanjabaadaha joogtada ah ee jira. Wuxuu xusay in amniga Muqdisho uu weli yahay mid isbedbedelaya oo u baahan feejignaan joogto ah.
Inkasta oo khataraha ay wadaan kooxda mintidiinta ah ee Al-Shabaab, ayuu haddana ku dooday in joogitaanka diblomaasiyadeed ee gudaha magaalada uu muhiim u yahay fahamka baahiyaha shacabka Soomaaliyeed iyo xoojinta xiriirka caalamiga ah.
“Waxaa jira horumar muuqda oo la gaaray, balse guulahaas badankood waa kuwo nugul. Soomaaliya weli waa deegaan aad u adag in laga shaqeeyo,” ayuu yiri.
Danjiraha ayaa sidoo kale xaqiijiyay in dowladda Britain ay ka go’an tahay taageeridda Soomaaliya, gaar ahaan dhismaha iyo xoojinta ciidamada ammaanka, iyo la dagaallanka Al-Shabaab.
Ugu dambeyn, wuxuu sheegay in inkastoo ay jiraan caqabado badan, haddana uu arko rajo iyo horumar tartiib ah oo dalka ka muuqda, isagoo ku baaqay in la sii wado taageerada caalamiga ah.
Diblomaasiyiinta reer galbeedka, oo uu ku jiro danjiraha Britain, ayaa inta badan ka howlgala xarunta aad loo ilaaliyo ee Xalane ee u dhow garoonka diyaaradaha Muqdisho, halkaas oo dhowr jeer ay weeraro ka fuliyeen Al-Shabaab sanadihii u dambeeyay.









