Puntland oo soo saartay digniin culus oo ku socta ciidamada Dowladda ee ku sugan deegaanadeeda

Taliyaha Qaybta Booliiska Gobolka Mudug, Gaashaanle Sare Maxamuud Muuse Bile “Fardafuul”, ayaa si adag uga hadlay xaaladda amniga gobolka, isagoo sheegay in aan loo dulqaadan doonin in hub sharci-darro ah lagu dhex qaato magaalooyinka gobolka.
Taliyaha ayaa sheegay in Booliisku si buuxda u gudan doono waajibaadkiisa amni, isagoo uga digay cid kasta oo isku dayda inay qalalaase ka abuurto deegaannada Mudug.
“Naftiinna ha ku qamaarina amni-darro iyo falal sharci jebin ah. Gobolka iyo degmooyinkiisa waxaa masuul ka ah hay’adaha amniga, mana aqbali doono in hub magaalada lagu soo galo,” ayuu yiri Taliyuhu.
Sidoo kale, wuxuu eedeyn u jeediyay shaqsiyaad uu ku tilmaamay inay ku fashilmeen masuuliyadihii loo igmaday, kuwaas oo uu sheegay inay doonayaan inay xasillooni-darro ka abuuraan gobolka.
“Rag shaqooyinkii loo igmaday ku guuldarraystay ayaa inta dad soo gacan mariyeen raba inay deegaankeena dhibaateeyaan, ciddii rabta inay Xasan Sheekh u shaqaysato ha aaddo ninkii ciidan Soomaaliyeed gelaya ha aado laakiin magaaladaan anaga ayaa mandate u haysana intaan xushmaynay waxay gaartey in hub magaalada lala soo galo”,
Arrintaan ayaa imaaneysa iyadoo ay sii kordhaayan xiisadaha u dhexeeya dowladda federaalka oo ciidamo cusub ka dhex qoratay deegaanada Puntland iyo maamulka Puntland oo ku hanjabay inuu ka hortagayo ciidamadaas oo uu sheegay inaan laga ogoleyn deegaanadiisa.









