LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Sawirro: Masuuliyiin ka tirsan maamulka Laftagareen oo galay qeybo kamid ah Baydhabo

Masuuliyiin sare oo ka tirsan maamulkii hore  Koonfur Galbeed ee Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen oo uu hoggaaminayay Wasiirka Wasaaradda Amniga Xasan Cabdiqaadir, ayaa maanta kormeer shaqo ku maray qeybo kamid ah magaalada Baydhabo.

Wafdiga ayaa waxaa qeyb ka ahaa Afhayeenka maamulka Koonfur Galbeed, xildhibaanno iyo saraakiil sare oo ka tirsan, kuwaas oo u kuurgalay xaaladda amniga iyo duruufaha bulshada ee magaalada.

Intii uu socday kormeerka, masuuliyiinta ayaa shacabka Baydhabo kala kulmay soo dhaweyn ballaaran, iyadoo dadka deegaanka ay muujiyeen taageerada ay u hayaan dadaallada maamulka Laftagareen ee lagu xoojinayo amniga iyo xoreynta deegaannada wali ay ku sugan yihiin ciidamada maamulka cusub Koonfur Galbeed ee taageerada ka helaya dowladda federaalka Soomaaliya.

Masuuliyiinta ayaa xusay in maamulka Koonfur Galbeed ay sii laba jibbaari doonto howlaha lagu sugayo amniga iyo dardargelinta qorshayaasha lagu xoreynayo deegaannada harsan, si loo xaqiijiyo nabadgelyo iyo xasillooni waarta.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *