Mucaaradka oo dalab culus u diray Beesha Caalamka & Xasan Sheekh oo wajahaya…

Hoggaamiyayaasha Golaha Mustaqbalka ayaa ku adkeystay in dhammaan saaxiibada caalamiga ah ay si wadajir ah uga qayb qaataan dadaallada lagu xallinayo khilaafka siyaasadeed ee ka taagan hannaanka doorashooyinka Soomaaliya, iyagoo sheegay in aan hal dhinac lagu aamini karin geeddi-socodka dhexdhexaadinta.
Sida ay sheegeen ilo xog ogaal ah, Golaha Mustaqbalka ayaa aaminsan in mideynta dadaallada caalamiga ah ay fure u tahay in la gaaro heshiis siyaasadeed oo waara, xilli dowladda Turkiga ay doonayso inay kaligeed hoggaamiso dadaallada dhex-dhexaadinta ee u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo mucaaradka.
Maalmihii la soo dhaafay, wakiillo ka socda beesha caalamka iyo Golaha Mustaqbalka ayaa yeeshay wada-hadallo ay ku soo bandhigeen aragtidooda kama dambaysta ah ee la xiriirta hannaanka doorashooyinka. Golaha ayaa la sheegay inay soo jeediyeen qaab ka duwan kan ay waddo Villa Somalia, iyagoo xusay in waqtiga harsan uu kooban yahay isla markaana loo baahan yahay heshiis siyaasadeed oo loo dhan yahay.
Dhanka kale, Ankara ayaa lagu soo warramayaa inay doonayso inay door muuqda ka qaadato dhex-dhexaadinta, iyadoo ku doodaysa inay awood u leedahay inay fududeyso heshiis siyaasadeed oo dhex mara dhinacyada is haya. Warar lagu kalsoon yahay ayaa tilmaamaya in la bilaabay wadahadallo ku saabsan qorshe siyaasadeed oo lagu doonayo in lagu helo kalsoonida mucaaradka.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa iyaduna la sheegay inay wakiillada caalamiga ah u gudbisay mowqifkeeda, kaas oo ku saleysan sii wadista hannaanka doorashooyinka ee hore looga hirgeliyey gobollo ay ka mid yihiin Banaadir iyo Koonfur Galbeed, iyadoo ku adkeysanaysa in doorashooyinkaasi ay ku socdaan jadwalkooda iyadoon la sugin heshiis siyaasadeed oo cusub.









