Xukuumadda Soomaaliya oo Maanta qaadeysa tallaabo ka dhan ah Mucaaradka

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta qabanaysa shir aan caadi ahayn oo Golaha Wasiirrada ah, kaas oo si weyn diiradda loogu saarayo arrimaha la xiriira dhaqangelinta Dastuurka cusub iyo hannaanka doorashooyinka dalka, xilli ay cirka isku sii shareerayaan khilaafaadka siyaasadeed ee u dhexeeya dowladda, mucaaradka iyo qaar kamid ah dowlad-goboleedyada.
Warar laga helayo Villa Soomaaliya ayaa sheegaya in shirka Golaha Wasiirrada laga filayo go’aamo rasmi ah oo ku saabsan hirgelinta qodobbada Dastuurka cusub, gaar ahaan kuwa khuseeya nidaamka doorashooyinka, muddo-xileedka dowladda iyo dhismaha hay’adaha dastuuriga ah ee weli muranka ka taagan yahay.
Dowladda Federaalka ayaa marar badan ku celcelisay in dalka loo jihaynayo doorasho qof iyo cod ah, taas oo ay sheegtay inay tahay tallaabo muhiim u ah dimuqraadiyadda iyo dhammeystirka dowlad-dhisidda Soomaaliya.
Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda ayaa sidoo kale ku dooday in muddo-xileedka hay’adaha dowladda federaalka uu yahay shan sano, arrintaas oo dood xooggan dhalisay kadib markii wada-hadalladii siyaasadeed ee ka socday xerada Xalane ay kusoo dhammaadeen is-afgaranwaa.
Dowladdu waxay aaminsan tahay in dhaqangelinta Dastuurka cusub ay saldhig u noqon karto xasilinta nidaamka siyaasadeed iyo qabsoomidda doorashooyin toos ah oo dalka ka dhaca, inkasta oo dhinacyada mucaaradka ay arrintaasi si weyn uga biyo diiddan yihiin.









