Wasiir Fiqi oo si kulul u weeraray Madaxweynaha Puntland

Wasiirka Gaashaandhigga Dowladda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macalin Fiqi, ayaa weerar afka ah ku qaaday Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, isaga oo ku eedeeyay inuu muddo afar sano ah xiriirka u jaray Dowladda Federaalka Soomaaliya isla markaana uu garab istaag u muujiyay dhinacyo shisheeye xilli ay jireen khilaafaad siyaasadeed.
Qoraal uu Wasiir Fiqi ku daabacay bartiisa Facebook ayuu si toos ah ugu dhaliilay hoggaamiyaha Puntland, isaga oo sheegay in aysan habboonayn in Deni uu maanta ka hadlo mustaqbalka Soomaaliya ama uu isku muujiyo siyaasi u damqanaya dalka.
Wasiirka ayaa qoraalkiisa ku yiri:
“Siciid Deni hoggaamiyaha Puntland afar sano ayuu lahaa xiriirka ayaan u jaray Dowladda Federaalka ah. Wuxuu kala saftay shisheeyihii la is qabtay. Ninka noocaas ah ayaa mustaqbalka Soomaaliya ka hadlaya, iskana dhigaya nin u naxaya dalka, inoo aqrinaya cashar wadaniyad ah.”
Hadalka Wasiirka Gaashaandhigga ayaa imaanaya xilli uu weli taagan yahay muranka siyaasadeed ee u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo maamulka Puntland, kaas oo salka ku haya arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin wax ka beddelka dastuurka, nidaamka doorashooyinka iyo awood qeybsiga siyaasadeed.
Puntland ayaa marar badan sheegtay in Dowladda Federaalka ay qaaday tallaabooyin aan wadatashi ku dhisneyn, halka Dowladda Federaalka ay ku eedeysay maamulka Puntland inuu caqabad ku yahay dadaallada mideynta dalka iyo hirgelinta hannaan dowladeed oo mideysan.









