Xukuumadda Soomaaliya oo jawaab ka bixisay dhaleeceen uga timid Shacabka Soomaaliyeed

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dib u Heshiisiinta Soomaaliya ayaa si rasmi ah uga hadashay sababta Mashruuca Bulsho looga hirgelin waayay Maamulka Waqooyi Bari, kaddib markii arrintan si weyn loogu dhaliilay baraha bulshada.
Warsaxaafadeed kasoo baxay wasaaradda ayaa lagu sheegay in Mashruuca Bulsho si rasmi ah loo daahfuray 27-ka Abriil 2026, isla markaana uu yahay mashruuc horumarineed oo ay iska kaashanayaan Dowladda Somalia, Bangiga Adduunka iyo saaxiibada caalamiga ah.
Wasaaradda ayaa caddeysay in ujeeddada mashruucu tahay horumarinta adeegyada bulshada iyo kaabayaasha dhaqaale, iyadoo diiradda la saarayo deegaanada fogfog iyo meelaha ay adag tahay in la gaaro (hard-to-reach areas).
Wasaaradda ayaa sheegtay in Mashruuca Bulsho uu yahay mid si toos ah u taageeraya dowlad-goboleedyada la-tashiga la sameeyay, kuwaas oo buuxiyay shuruudihii looga baahnaa ka-qaybgalka mashruuca. Sida lagu xusay warsaxaafadeedka, dowlad-goboleed kasta wuxuu heli doonaa ugu yaraan $5 milyan oo taageero ah.
Si kastaba ha ahaatee, Maamulka Waqooyi Bari ayaan kamid noqon mashruuca, kaddib markii uu ka baaqsaday fulinta qaar kamid ah shuruudihii muhiimka ahaa ee looga baahnaa ka-qaybgalka.
Wasaaradda ayaa sidoo kale faahfaahin ka bixisay marxaladihii uu soo maray mashruuca:
- Mashruuca waxaa la diyaarinayay tan iyo May 2023, iyadoo kulamo wadatashi ah la qabtay Nofeembar 2023
- Dowlad-goboleedyada waxaa lala tashaday May 2024.
- Ansixinta Bangiga Adduunka waxay dhacday Abriil 2025, halka mashruucu si rasmi ah u bilowday Agoosto 2025
- Daahfurka rasmiga ah ayaa la qabtay 27-ka Abriil 2026
Wasaaradda ayaa tilmaantay in Maamulka Waqooyi Bari uu waayay fursadda ka-qaybgalka mashruuca, kaddib markii uusan dhammaystirin shuruudo muhiim ah oo looga baahnaa dowlad-goboleedyada kale. Inkastoo la siiyay waqti dheeri ah si ay u buuxiyaan shuruudahaas, haddana lama gaarin heshiis rasmi ah oo suurta gelin kara ka mid noqoshada mashruuca.
Ugu dambeyn, wasaaradda ayaa sheegtay inay weli furan tahay suurtagalnimada in Waqooyi Bari mustaqbalka ku biiri karto mashruuca, haddii ay buuxiso shuruudaha looga baahan yahay.










