LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Siyaasiyiinta mucaaradka Muqdisho ee Hawiye oo Go’aano culus ku dhawaaqaya

Mucaaradka ka soo jeeda beelaha Hawiye ee maalmahan kulamada kala duwan la lahaa bulshada ayaa lagu wadaa in saacadaha ama maalmaha soo socda ay soo saaraan war culus oo la xiriira jihayn siyaasadeed oo cusub, iyo sidoo kale qabanqaabada shirweyne ballaaran oo ay isugu imanayaan qeybaha kala duwan ee beelahaas.

Wararka hordhaca ah ee laga helayo ilo xog-ogaal ah ayaa muujinaya in kulamadii ugu dambeeyay ay si gaar ah diiradda u saarayeen xaaladda guud ee siyaasadda dalka, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka, kala-guurka siyaasadeed, iyo baahida loo qabo in la helo mowqif mideysan oo ay mucaaradku ka qaataan xaaladaha taagan.

Ilo ku dhow dhow qabanqaabada ayaa tilmaamaya in shirweynaha la qorsheynayo uu noqon doono mid si weyn loo soo agaasimay, islamarkaana ay ka soo qeyb geli doonaan siyaasiyiin caan ah, waxgarad, odayaal dhaqameed, aqoonyahanno, iyo wakiillo ka socda qeybaha kala duwan ee bulshada. Shirkan ayaa la filayaa inuu noqdo madal muhiim ah oo lagu gorfeeyo mustaqbalka siyaasadeed ee dalka iyo doorka ay mucaaradku ka qaadan karaan.

Dhanka kale, jihada cusub ee la filayo in lagu dhawaaqo ayaa lagu sifeeyay mid xambaarsan qorshe siyaasadeed oo dhameystiran, kaas oo lagu wajahayo marxaladda kala-guurka ah ee dalka marayo. Qorshahan ayaa la rumeysan yahay inuu diiradda saari doono arrimo ay ka mid yihiin dib-u-habeynta nidaamka doorashooyinka, xoojinta wadajirka siyaasadeed, iyo sidii mucaaradku u yeelan lahaayeen saameyn muuqata oo gudaha ah.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *