LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Ciidanka xoogga dalka oo furay waddo muddo sanado ah u xirneyd Al-Shabaab

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa ku dhawaaqay guul weyn oo dhanka amniga ah kadib markii si rasmi ah loo xaqiijiyay in la isku furay waddada isku xirta magaalooyinka Muqdisho iyo Jowhar, taas oo muddo ka badan 15 sano ay hakad ku jirtay sababo la xiriira khataro amni iyo jid-gooyooyin ay sameynayeen kooxda Al-Shabaab.

Gaashaanle Dhexe Aadan Shabaab, oo ah Taliyaha Guutada 18-aad Qaybta 1-aad ee Kumaandooska Gorgor, ayaa sheegay in ciidanku ay si buuxda u sugeen ammaanka waddada, isla markaana ay ka sifeeyeen dhammaan fariisimadii iyo jid-gooyooyinkii ay ku lahaayeen kooxda Al-Shabaab ee u dhaxaysay labada magaalo.

Taliyaha ayaa tilmaamay in guushan ay tahay mid muhiim u ah isu socodka bulshada iyo ganacsiga, isagoo xusay in hadda gaadiidka ka baxa Muqdisho uu si nabad ah ku gaari karo magaalada Jowhar, iyada oo aan wax carqalad amni ah la kulmin.

“Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed waxay ku guuleysteen in ay cagta mariyaan dhammaan goobihii ay cadowgu ka samaysan jireen jid-gooyooyinka, taas oo sahashay in si nabad ah loo maro waddada muhiimka ah ee isku xirta Muqdisho iyo Jowhar,” ayuu yiri Taliye Aadan Shabaab.

Howlgalka lagu xaqiijiyay isku furista waddadan istaraatiijiga ah ayaa lagu sheegay inuu ahaa mid qorsheysan oo ay si wadajir ah u fuliyeen cutubyo ka tirsan Kumaandooska Gorgor, kuwaas oo muddooyinkii dambe waday dadaallo amni oo lagu xoojinayo xasilloonida gobolka.

Saraakiisha ciidamada ayaa sidoo kale sheegay in guushan ay qeyb ka tahay howlgal ballaaran oo dalka looga ciribtirayo kooxda Al-Shabaab, isla markaana lagu soo celinayo amniga waddooyinka muhiimka ah ee dalka.

Dhinaca kale, dadka deegaanka ayaa soo dhaweeyay tallaabadan, iyagoo sheegay in ay ka faa’iideysan doonaan isu socod fudud iyo ganacsi firfircoon oo u dhexeeya Muqdisho iyo Jowhar.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *