Sawirro:- Ciidamo iyo hub culus oo la geeyay Buuraha Cal-miskaad -cabsi soo wajahday…

Maamulka Puntland ayaa saacadihii la soo dhaafay ciidamo horleh u diray deegaanka buuraleyda ah ee Cal-Miskaad ee gobolka Bari, halkaasi oo ay ka socdaan howlgallo culus oo ka dhan ah kooxda Daacish.
Ciidamadan cusub oo wata gaadiid dagaal iyo hubka noocyadiisa kala duwan ayaa ku biiray cutubyo horey uga howlgalayay furimaha dagaalka, iyadoo ujeedadu tahay in la xoojiyo gulufka militari ee lagu doonayo in kooxda Daacish looga saaro fariisimaha ay kaga dhuumaaleysanayaan buuraha Cal-Miskaad.
Saraakiil ka tirsan Ciidanka Difaaca Puntland oo ciidamada cusub ku soo dhaweeyay furimaha hore ayaa sheegay in la laba jibbaari doono howlgallada socda, isla markaana la kordhin doono weerarrada lagu beegsanayo maleeshiyaadka Daacish ee ku sugan deegaannada buuraleyda ah ee gobolka Bari.
Sarkaal kamid ah saraakiisha ciidamada ayaa sheegay in ciidamadu ay diyaar u yihiin inay sii wadaan dagaalka ilaa laga xaqiijinayo amniga guud ee deegaannada ay kooxdaasi ku sugan tahay.
“Howlgalladu waxay marayaan marxalad muhiim ah, waxaana naga go’an in aan kooxda Daacish ka saarno dhammaan goobaha ay kaga dhuumaaleysanayaan buuraha Cal-Miskaad,” ayuu yiri sarkaalkaasi.
Dadka deegaanka ayaa sidoo kale soo dhaweeyay ciidamada cusub ee la geeyay furimaha dagaalka, iyagoo muujiyay rajo ku aaddan in howlgalladu ay horseedi doonaan xasillooni iyo amni waara.
Howlgallada ka socda buuraha Cal-Miskaad ayaa kamid ah dadaallada ugu ballaaran ee Puntland ay ku doonayso inay ku cirib tirto kooxda Daacish, oo muddooyinkii dambe isku dayaysay inay saldhigyo ka sameysato qaybo kamid ah gobolka Bari.










