LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Xubin ka tirsan Golaha degaanka Gobolka Banaadir oo la dhaawacay & wararkii ugu dambeeyay

Xubin ka tirsan Golaha Deegaanka Degmada Dharkenley, gaar ahaan xaafadda Ceeldheer, ayaa xalay lagu dhaawacay weerar hubeysan oo ka dhacay gudaha degmadaasi.

Maxamed Muuse Sanweyne, oo ka mid ah xubnaha golaha deegaanka, ayaa la sheegay in lagu weeraray farmashiye uu ku lahaa xaafadda Ceeldheer, kadib markii kooxo bastoolado ku hubeysan ay gudaha u galeen goobta ganacsi isla markaana rasaas ku fureen.

Goobjoogayaal ku sugan halka uu weerarku ka dhacay ayaa sheegay in weerarku uu ahaa mid degdeg ah, islamarkaana dableyda ay goobta ka baxsadeen kahor inta aysan halkaasi soo gaarin ciidamada ammaanka. Rasaasta lagu furay Sanweyne ayaa sababtay dhaawac, waxaana si degdeg ah loogu qaaday mid ka mid ah isbitaalada magaalada Muqdisho.

Wararka laga helayo ilo caafimaad ayaa tilmaamaya in xaaladda Maxamed Muuse Sanweyne ay haatan tahay mid soo hagaageysa, inkastoo uu weli ku jiro daryeel caafimaad.

Maxamed Muuse Sanweyne ayaa Golaha Deegaanka Degmada Dharkenley uga mid noqday Xisbiga Karaama, isagoo ka mid ahaa xubnaha firfircoon ee ka shaqeeya arrimaha bulshada ee degmada.

Ilaa iyo hadda ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay laamaha ammaanka oo ku saabsan cidda ka dambeysay weerarkaasi, sidoo kale lama oga sababta rasmiga ah ee ka dambeysay falka. Ciidamada ammaanka ayaa la sheegay inay wadaan baaritaanno ku aaddan dhacdadaasi.

Weerarkan ayaa kusoo beegmaya xilli bilihii la soo dhaafay Amniga Muqdisho uu ahaa mid wanaagsan, isla markaana ay yaraadeen dilalka qorsheysan iyo weerrada oo ay geysan jireen Al-Shabaab.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *