Golaha Mustaqbalka & saaxiibada Caalamiga oo shir ka yeelanaya khilaafka doorashooyinka

Waxaa la filayaa in uu qabsoomo shir heer sare ah oo ay ka qeyb geli doonaan wakiillo ka socda afarta saaxiib ee caalamiga ah ee taageerada siiya Soomaaliya, kuwaas oo kala ah Midowga Yurub, Boqortooyada Ingiriiska, Qaramada Midoobay iyo Mareykanka.
Shirkan ayaa diiradda lagu saarayaa xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya iyo dadaallada lagu doonayo in lagu gaaro heshiis loo dhan yahay.
Kulanka waxaa sidoo kale qeyb ka noqon doona Golaha Mustaqbalka Soomaaliya, oo ay ku jiraan madaxda maamul goboleedyada Puntland iyo Jubaland. Mas’uuliyiintan ayaa la sheegay inay si fogaan-arag ah (online) uga qeyb geli doonaan shirka, iyadoo la eegayo duruufaha jira.
Dhanka kale, madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo xubno ka tirsan garabka Samatabixinta ay si toos ah uga qeyb geli doonaan kulanka, kaas oo ka dhici doona Gudaha xarunta Xalane ee magaalada Muqdisho.
Shirkan ayaa imaanaya xilli ay socdaan dadaallo diblumaasiyadeed oo xooggan, kuwaas oo ay wadaan beesha caalamka iyo dhinacyada Soomaalida. Waxaa jira cadaadis sii kordhaya oo lagu doonayo in ka hor taariikhda 15-ka May 2026 la gaaro heshiis siyaasadeed oo mideeya dhammaan dhinacyada, si loo xasiliyo xaaladda dalka loona dardargeliyo geeddi-socodka dowlad-dhiska.
Diblumaasiyiinta ayaa aaminsan in heshiis la gaaro waqtigan uu fure u noqon karo xasilooni siyaasadeed iyo horumar waara, halka guuldarro ka timaadda ay dib u dhigi karto geeddi-socodka siyaasadeed ee dalka.
Shacabka Soomaaliyeed iyo daneeyeyaasha kale ayaa si dhow ula socda natiijada ka soo baxda kulankan, maadaama uu saameyn weyn ku yeelan karo mustaqbalka siyaasadeed ee Soomaaliya.









