XOG: Wadahadallo hoose oo dhexmaray Madaxweyne Xasan Sheekh & Laftagareen
Madaxweynaha Soomaaliya
Xasan Sheekh Maxamuud ayaa intii uu ku sugnaa magaalada Beydhabo xiriir la sameeyay madaxweynihii hore ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen, si loo dardargeliyo dadaallada dib loogu soo celinayo ciidamadii Daraawiishta KGS ee dagaalladii ka dhacay Beydhabo kaddib u baxay duurka.
Madaxweynaha ayaa waqti badan geliyay sidii loo heli lahaa xal nabadeed oo lagu qancinayo ciidankaasi, kuwaas oo weli saameyn ku leh amniga iyo xasilloonida deegaannada Koonfur Galbeed.
Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta, Mukhtaar Roobow Cali, ayaa loo xilsaaray inuu noqdo ergayga Madaxweynaha, waxaana uu wadahadallo la yeeshay Lafta-gareen si loo gaaro is-afgarad ku saabsan dib u soo celinta ciidanka.
Ilo xog-ogaal ah ayaa sheegaya in wadahadalladaasi ay diiradda saareen sidii loo dhisi lahaa kalsooni, iyadoo Lafta-gareen uu soo bandhigay shuruudo muhiim ah oo lagu xirayo dib u soo celinta ciidanka Daraawiishta.
Shuruudaha uu soo jeediyay waxaa ka mid ah:
In ciidanka aan la dhibaateynin, isla markaana aan loo geysan wax aargoosi ah.
In la helo damaanad rasmi ah oo xaqiijineysa in ciidankaasi la ilaalin doono, isla markaana Lafta-gareen uu heli karo marka uu u baahdo, iyadoo aan waxyeello loo geysan.
Wasiir Mukhtaar Roobow ayaa shuruudahaasi dib ugu gudbiyay Madaxweynaha, waxaana la filayaa in xukuumadda federaalka ay ka jawaabto si loo dardargeliyo dadaallada dib u heshiisiinta iyo mideynta ciidamada.
Dadaalladan ayaa qeyb ka ah qorshe ballaaran oo lagu xoojinayo amniga, laguna mideynayo ciidamada kala duwan ee ka howlgala dalka, si loo gaaro xasillooni waarta.









