DFS oo la wareegtay qaar kamid ah Shaqaalaha Guddiga doorashooyinka Puntland

Qaar ka mid ah dhalinyarada ku nool magaalada Gaalkacyo, gaar ahaan kuwa khibradda u leh abaabulka bulshada iyo hawlihii hore ee doorashooyinka qof iyo cod ee ka qabsoomay Puntland, ayaa lagu waramayaa in loogu yeeray dhinaca Galmudug.
Dhalinyaradan ayaa la sheegay in si toos ah loola shaqeyn doono guddiga doorashooyinka ee dowladda federaalka Soomaaliya (DFS), iyadoo ilo xog ogaal ah ay tilmaamayaan in qaar ka mid ah loo ballanqaaday dhaqaale ay ku fulinayaan howlaha loo igmaday.
Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in ugu yaraan afar xubnood oo ka tirsan dhalinyaradaas looga yeeray magaalada Dhuusamareeb, halkaas oo ay ka bilaabi doonaan hawlaha la xiriira diyaarinta iyo hirgelinta doorashooyinka.
Dhanka kale, dowladda federaalka Soomaaliya ayaa dhawaan qalabkii lagu qaban lahaa doorashooyinka qof iyo cod keentay Koonfurta Gaalkacyo, inkastoo arrintaasi ay dhalisay hadal-hayn iyo muran siyaasadeed.
DFS ayaa hore u shaacisay in si rasmi ah loo bilaabi doono hirgelinta doorashooyinka qof iyo cod 28-ka bisha April, iyadoo dadaallo kala duwan lagu xoojinayo diyaar garowga doorashooyinkaasi ka hor inta aan la guda gelin.









