Siyaasiyiinta Mucaaradka oo ku heshiiyay qorshe ka dhan ah Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh

Kulan ay magaalada Nairobi ee dalka Kenya ku yeesheen qaar kamid ah siyaasiyiinta mucaaradka Soomaaliya, gaar ahaan kuwa ku mideysan Golaha Mustaqbalka ee kasoo jeeda beelaha Hawiye, ayaa kusoo dhamaaday is-afgarad iyo heshiisyo muhiim ah oo la xiriira sida loo wajahayo dowladda hadda jirta marka uu dhammaado muddo xileedkeeda.
Wararka laga helayo kulankaas ayaa sheegaya in xubnaha mucaaradka ay si gaar ah diiradda u saareen xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo suurtagalnimada muddo kororsi, iyagoo ka digay tallaabo kasta oo sharci darro ah oo arrintaas la xiriirta.
Ilo xog ogaal ah ayaa xaqiijiyay in siyaasiyiinta ay ku heshiiyeen afar qodob oo muhiim ah, kuwaas oo ay qorsheynayaan inay ku wajahaan dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, haddii ay dhacdo isku day muddo kordhin ah.
Qodobada lagu heshiiyay ayaa kala ah:
1. Mucaaradka ayaa isku raacay in shirweyne ballaaran lagu qabto magaalada Muqdisho bilowga bisha May, kaas oo lagu doonayo in lagu bixiyo digniintii ugu dambeysay iyo talooyin loo jeediyo Madaxweynaha
2. Waxaa si buuxda la isugu raacay in haddii la gaaro 15-ka May iyadoo xaaladdu sidaan tahay, la qaado tallaabooyin la mid ah kuwii “Badbaado Qaran 2”, taas oo muujin karta cadaadis siyaasadeed iyo mid amni.
3. Xubnaha Golaha Mustaqbalka ee kasoo jeeda Muqdisho ayaa isku raacay in awoodda iyo ciidanka loo qaybiyo afar aag, iyadoo hoggaamiyeyaasha kala duwan ay hoggaaminayaan dhinacyo gaar ah:
- Shariif Sheekh Axmed – hal dhinac
- Xasan Cali Kheyre – dhinac kale
- Maxamed Xuseen Rooble iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur – dhinac wadajir ah
- Cabdulqaadir Cosoble iyo Cumar Finish – dhinac kale
4. Waxaa sidoo kale la isla meel dhigay habka loo heli karo ciidamada iyo dhaqaalaha ku baxaya, inkastoo faahfaahinta arrintaas aan wali la shaacin.
Isku soo wada duuboo, mucaaradka kasoo jeeda beelaha Hawiye ayaa u muuqda kuwo si weyn isu abaabulaya, iyagoo qaarkood ka fikiraya in ay awood ku beddelaan jihada siyaasadda dalka haddii ay dhacdo muddo kororsi lagu muransan yahay.
Si kastaba ha ahaatee, waxaa jira shaki ku saabsan sida ay qorshayaashan u saameyn doonaan guud ahaan siyaasadda dalka, gaar ahaan marka la eego mowqifka musharixiinta iyo maamul goboleedyada sida Puntland, Jubaland iyo qeybo kamid ah Galmudug.









