Muqdisho (Banaadir24) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo ayaa safar ku tagaya magaalada Antalya ee dalka Turkiga, halkaas oo ay kaga qaybgalayaan shirweynaha 31-aad ee Qaramada Midoobay ee isbeddelka cimilada (COP31).
Madaxweynaha ayaa la filayaa inuu khudbad ka jeediyo shir-madaxeedka Antalya ee qaybta ka ah shirka COP31, isaga oo halkaas ku soo bandhigi doona qorshayaasha iyo dadaallada Soomaaliya ee la xiriira la tacaalidda saameynta isbeddelka cimilada.
Qorshayaasha uu madaxweynuhu soo bandhigi doono ayaa waxaa ka mid ah horumarinta tamarta cagaaran, la dagaallanka nabaad-guurka, xoojinta u adkeysiga dhibaatooyinka ka dhasha isbeddelka cimilada iyo baahida loo qabo iskaashi caalami ah oo wax looga qabanayo caqabadaha deegaanka.
Dhanka kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la filayaa inuu kulamo gaar gaar ah la yeesho madaxda dalalka kale ee ka qaybgalaya shirka, kuwaas oo diiradda lagu saari doono xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga laba-geesoodka ah ee Soomaaliya la leedahay dalalkaas.
Ka qaybgalka Soomaaliya ee shirkan ayaa fursad u ah dowladda Federaalka inay madasha caalamiga ah ku soo bandhigto xaaladda deegaanka ee dalka iyo dadaallada lagu wajahayo saameynta isbeddelka cimilada.
