Kampala (Banaadir24) — Ururka Qareennada Uganda (Uganda Law Society) ayaa si adag uga hadlay xaaladda siyaasadeed iyo muranka dastuuriga ah ee ka taagan Soomaaliya, isagoo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ugu baaqay inuu ixtiraamo go’aanka Maxkamadda Sare iyo dastuurka dalka.
War-saxaafadeed uu ururku soo saaray 10-ka November 2026, ayuu walaac xooggan kaga muujiyay tallaabooyinka uu Madaxweyne Xasan Sheekh qaaday, kuwaas oo uu ku tilmaamay kuwo sii hurinaya xiisadda dastuuriga ah ee dalka.
Ururka ayaa xusay in Maxkamadda Sare ee Soomaaliya, go’aan taariikhi ah oo ay soo saartay 5-tii November 2026, ay caddeysay in wax-ka-beddelkii dastuurka ee bishii March 2026 uusan kordhin karin muddo-xileedka Madaxweynaha iyo Baarlamaanka Federaalka.
Sida lagu sheegay war-saxaafadeedka, Maxkamaddu waxay go’aamisay in muddo-xileedka afarta sano ah ee Madaxweyne Xasan Sheekh uu dhammaaday 15-kii May 2026, halka muddo-xileedka labada Aqal ee Baarlamaanka uu dhammaaday 14-kii April 2026, iyadoo lagu amray in doorasho la qabto muddo 90 maalmood gudahood ah.
Dhanka kale, Ururka Qareennada Uganda ayaa si gaar ah u cambaareeyay tallaabadii uu Madaxweyne Xasan Sheekh 4-tii November xilka uga qaaday Guddoomiyihii Maxkamadda Sare, Baashe Yuusuf Axmed, isagoo magacaabay guddoomiye cusub.
Waxay sheegeen in Maxkamadda Sare ay tallaabadaas ku tilmaantay mid aan dastuurka waafaqsanayn, isla markaana aan wax sharciyad ah lahayn.
Hase yeeshee, sida bayaanka lagu sheegay, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa 7-dii November dhaariyay guddoomiyaha cusub, inkastoo uu jiray go’aanka Maxkamadda Sare.
Ururka Qareennada Uganda ayaa sidoo kale xusuusiyay doorkii ay Uganda ku lahayd nabadeynta Soomaaliya, isagoo sheegay in bishii March 2007 ay Uganda noqotay dalkii ugu horreeyay ee ciidamo geeya Soomaaliya, kuwaas oo qeyb ka noqday howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM.
Ugu dambeyn, ururku wuxuu dowladda Soomaaliya ugu baaqay inay u hoggaansanto go’aannada Maxkamadda Sare, ilaaliso madaxbannaanida garsoorka, isla markaana dhowrto dastuurka iyo ku dhaqanka sharciga.
Waxay sidoo kale Midowga Afrika, Bulshada Bariga Afrika iyo beesha caalamka ugu baaqeen inay si degdeg ah uga hadlaan xaaladda Soomaaliya, ayna dalbadaan in la ilaaliyo dimuqraadiyadda iyo nidaamka dastuuriga ah.
