Mainz (Banaadir24) — Maxkamad ku taalla dalka Jarmalka ayaa xaqiijisay go’aankii dowladda ee lagala noqday sharcigii qaxootinimada haweeney Soomaaliyeed oo caan ka ah baraha bulshada, taas oo wajahaysa suuragalnimada in dib loogu celiyo Soomaaliya.
Maxkamadda maamulka ee magaalada Trier ayaa 13-kii Oktoobar 2026 go’aamisay in haweeneydan si sharci ah looga qaaday aqoonsigii qaxootinimo ee ay heshay sannadkii 2017, kaddib markii ay soo baxeen muuqaallo muujinaya inay dhowr jeer booqatay Somaliland, iyadoo halkaas ku baahisay muuqaallo ay soo dhigtay barteeda TikTok.
Haweeneydan ayaa markii hore Jarmalka magangalyo ka heshay iyadoo sheegtay inay Soomaaliya uga soo carartay cabsi la xiriirtay dhibaatooyin amni, guur khasab ah iyo gudniin fircooniga ah oo ay sheegtay inay halis ugu jirtay inay mar kale la kulanto.
Hase yeeshee, hay’adda socdaalka iyo qaxootiga Jarmalka ayaa bishii Maarso 2026 kala noqotay sharcigeedii, kaddib markii ay ogaatay inay si joogto ah ugu safartay dhulka ay markii hore sheegtay inay khatar kaga wajahayso.
Maxkamaddu waxay si gaar ah u tixgelisay muuqaallo ay haweeneydu ku baahisay TikTok, kuwaas oo muujinayay iyadoo ka qeybgalaysa munaasabad siyaasadeed oo ka dhacday Somaliland, isla markaana la kulmaysa mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Somaliland.
Garsoorayaasha ayaa sidoo kale sheegay in xaaladdeeda nololeed ay isbeddeshay, iyadoo hadda ah hooyo lix carruur ah leh, laba jeerna la furay, ayna jirin caddeymo ku filan oo muujinaya inay weli wajahayso khatartii gudniinka fircooniga ah ee sababta u ahayd magangalyadeeda.
Dhanka kale, haweeneydan ayaa ku doodday in safarradeedu ay la xiriireen booqashada carruurteeda oo ku nool deegaanno ka tirsan Itoobiya, balse maxkamaddu ma aysan aqbalin sharraxaaddaas.
Go’aanka maxkamadda ayaa sidoo kale meesha ka saaray ilaalintii kale ee magangalyada, iyadoo la sheegay inaysan jirin sabab sharci ah oo hor istaagaysa in dib loogu celiyo Soomaaliya.
Maxaa xiga?
Go’aanka maxkamadda weli kama dambeys ma aha. Haweeneydu waxay haysataa muddo hal bil ah oo ay ku dalban karto in racfaan laga qaato xukunka, waxaana weli aan la shaacin waqtiga ay suuragal tahay in masaafurinteeda la fuliyo.
Waxaa sidoo kale xusid mudan in haweeneydan bishii Sebtembar lagu xukumay ganaax dhan 5,400 oo Yuuro, kaddib markii lagu helay inay baraha bulshada ka baahisay baaqyo rabshado loogu adeegsanayo dad ka tirsan beel ay colaad kala dhaxayso.
