Washington (Banaadir24) — Warbixin cusub oo uu daabacay wargeyska The Washington Sun ayaa shaaca ka qaaday in Stephen Miller, oo hadda loo magacaabay madaxa shaqaalaha Aqalka Cad ee Mareykanka, uu muddo ku dhow hal sano cadaadis xooggan ku hayay hay’adaha dowladda Mareykanka si tallaabooyin gaar ah looga qaado bulshada Soomaaliyeed ee ku nool gobolka Minnesota.
Warbixinta ayaa sheegtay in Miller, oo muddo ahaa ku-xigeenka madaxa shaqaalaha Aqalka Cad, uu si joogto ah saraakiisha dowladda uga dalbanayay xog la xiriirta eedeymaha musuqmaasuqa ee lagu tuhunsan yahay qaar ka mid ah muwaadiniinta Soomaaliyeed iyo hay’adaha ka shaqeeya adeegyada bulshada.
Sida lagu sheegay cod duubis uu helay wargeyska, kulan dhacay bishii December 2025 ayuu Miller muddo ku dhow 10 daqiiqo sagaal jeer ku celceliyay su’aalo la xiriira musuqmaasuqa, Soomaalida iyo gobolka Minnesota.
Warbixintu waxay intaas ku dartay in Miller uu doonayay in hay’adaha dowladda federaalka ay si gaar ah diiradda u saaraan Minnesota, xitaa markii saraakiil kale ay u soo bandhigayeen kiisaska musuqmaasuqa ee ka dhacay gobollo kale oo Mareykanka ah.
Cadaadis la saaray bangiyada iyo dhaqaalaha Soomaalida
Qodobka ugu xasaasisan ee warbixinta ayaa ah in Miller uu saraakiisha Wasaaradda Maaliyadda Mareykanka ku cadaadiyay inay baaritaanno dheeraad ah ku sameeyaan dhaq-dhaqaaqyada lacagaha ee ka socda Minnesota.
Cadaadiskaas kaddib, Wasaaradda Maaliyadda ayaa soo saartay amar ku khasbay shirkadaha maaliyadeed ee ka howlgala laba degmo oo Minnesota ah inay soo sheegaan dhammaan lacagaha caalamiga ah ee ka badan $3,000.
Saraakiil ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda ayaa walaac ka muujiyay in tallaabadaasi ay keeni karto su’aalo la xiriira xuquuqda dastuuriga ah iyo baaritaanno dhaqaale oo aad u ballaaran.
Ganacsatada Soomaaliyeed ayaa iyaguna sheegay in tallaabooyinkaas ay cabsi ku abuureen bulshada, gaar ahaan dadka lacagaha u dira eheladooda ku nool Soomaaliya.
Malaayiin doollar oo gargaar ah oo la hakiyay
Warbixintu waxay sidoo kale sheegtay in maamulka Trump uu isku dayay inuu hakiyo lacago badan oo dowladda federaalka ay siiso gobolka Minnesota, kuwaas oo ay ku jiraan barnaamijyada cuntada, daryeelka carruurta iyo adeegyada caafimaadka.
Waxaa la sheegay in dowladda Mareykanka ay xitaa isku dayday inay hakiso ilaa $2 bilyan oo maalgelin Medicaid ah, halka lacago kale oo gaaraya boqolaal milyan oo doollar la xannibay ama lagu hanjabay in la joojinayo.
Qaar ka mid ah go’aannadaas ayaa markii dambe maxkamaduhu hor istaageen, halka tallaabooyin kale dib looga laabtay.
Soomaalida Minnesota oo bartilmaameed u noqday siyaasadda cusub ee Washington
Warbixintu waxay tilmaamaysaa in fadeexadihii musuqmaasuqa ee ka dhacay Minnesota, gaar ahaan kiiska hay’adda Feeding Our Future oo lagu eedeeyay inay si sharci-darro ah ku heshay ku dhowaad $250 milyan oo lacag federaal ah, ay noqdeen sababaha ugu waaweyn ee maamulka Trump uu u kordhiyay baaritaannada gobolka.
Dacwadaha la xiriira barnaamijyada bulshada ayaa sababay in ku dhowaad 100 qof lagu soo oogo eedeymo, waxaana warbixintu sheegtay in in ka badan 80 ka mid ah dadkaasi ay asal ahaan Soomaali ahaayeen.
Si kastaba, saraakiil iyo khubaro arrimaha la dagaallanka musuqmaasuqa ka shaqeeya ayaa sheegay in dhibaatada musuqmaasuqu aysan ku koobnayn Soomaalida ama dadka soo-galootiga ah, balse ay tahay arrin u baahan baaritaan ballaaran oo aan lagu koobin hal bulsho.
Dhanka kale, Aqalka Cad ayaa difaacay tallaabooyinkiisa, isagoo sheegay in ujeeddadu tahay la dagaallanka musuqmaasuqa iyo la xisaabtanka cid kasta oo lunsata hantida canshuur-bixiyeyaasha Mareykanka.
Magacaabista Stephen Miller ee madaxa shaqaalaha Aqalka Cad ayaa hadda sare u qaadaysa awooddiisa siyaasadeed, iyadoo warbixintan cusub ay iftiiminayso doorkii uu ku lahaa ololaha dowladda Mareykanka ee sida gaarka ah diiradda loogu saaray Soomaalida ku nool Minnesota.
