Midowga Afrika oo War kasoo saaray doorashadii ka dhacday dalka Jabuuti

Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika Maxamuud Cali Yuusuf, ayaa si diirran hambalyo ugu diray Madaxweynaha Ismail Omar Guelleh kadib markii mar kale loo doortay xilka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti.
Sidoo kale, wuxuu bogaadiyay shacabka Jabuuti sida nabdoon ee ay uga qeyb qaateen geeddi-socodka doorashada, isagoo tilmaamay inay tani muujineyso sida ay uga go’an tahay hirgelinta dimuqraadiyadda, midnimada qaranka iyo xasilloonida dalka.
Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika ayaa sidoo kale qiray doorka muhiimka ah ee Jabuuti ka qaadato horumarinta nabadda, amniga iyo iskaashiga gobolka Geeska Afrika. Wuxuu dib u xaqiijiyay in Midowga Afrika uu ka go’an yahay xoojinta himilooyinka wadajirka ah ee Ajandaha 2063 oo ay la wadaagaan dalalka xubnaha ka ah.
Dhanka kale, wuxuu ammaan u jeediyay howlgalka Kormeerka Doorashooyinka Midowga Afrika (AUEOM) oo uu ku tilmaamay mid si xirfad leh u gutay waajibaadkiisa, isaga oo si gaar ah ugu mahadceliyay hoggaanka Bernard Makuza oo ahaa madaxa howlgalka.
Ugu dambeyn, Mudane Mahmoud Ali Youssouf ayaa u rajeeyay Madaxweyne Ismail Omar Guelleh muddo xileed guul leh oo uu ku hoggaamiyo dalka.










