LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

XOG: Safiirka Mareykanka Oo Ka Digay Mustaqbal Madow Haddii Xasan Sheekh Isbeddel Sameyn Waayo

Ilo xog-ogaal ah oo si dhow ula socda dhaqdhaqaaqyada diblumaasiyadeed ee ka socda magaalada Muqdisho ayaa u sheegay Banaadir24 in Safiirka Mareykanka u fadhiya Soomaaliya uu kulan gaar ah kula yeeshay gudaha xerada Xalane qaar ka mid ah muwaadiniinta Mareykanka ee ka shaqeeya Soomaaliya, kuwaas oo ay ku jiraan shaqaale ka tirsan hay’adaha Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Sida ay sheegayaan ilo-wareedyada, kulanka ayaa diiradda lagu saaray xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya iyo qiimeyn ay dowladda Mareykanku ka sameysay jihada uu dalku u wajahayo, iyadoo si gaar ah looga hadlay khilaafka doorashooyinka iyo saameynta uu ku yeelan karo xiriirka labada dhinac.

Ilo xog-ogaal ah ayaa Banaadir24 u sheegay in Safiirka Mareykanka uu ka digay in haddii aysan dhinacyada siyaasadda Soomaaliya ku gaarin heshiis arrimaha doorashooyinka muddo 60 maalmood gudahood ah, Washington ay qaadi karto tallaabooyin diblumaasiyadeed iyo kuwo amni oo waaweyn, kuwaas oo la sheegay inay saameyn doonaan joogitaanka Mareykanka ee Soomaaliya.

Sida ay tilmaamayaan xogaha la helay, tallaabooyinka la falanqeynayo waxaa ka mid ah dhimista shaqaalaha iyo diblumaasiyiinta Mareykanka ee Muqdisho, iyadoo sidoo kale la sheegay in la tixgelinayo xiritaanka Safaaradda Mareykanka haddii xaaladda siyaasadeed iyo amni ay sii xumaato.

Ilo ka qeyb galay kulanka ayaa sidoo kale sheegay in safiirku uu xusay in hawlgallada Mareykanku ku bartilmaameedsado hoggaamiyeyaasha Al-Shabaab ay mustaqbalka ka maamuli karaan saldhigyo ka baxsan koonfurta Soomaaliya, halkii ay si toos ah uga socon lahaayeen Muqdisho, taas oo lagu sababeeyay ilaalinta amniga shaqaalaha Mareykanka.

Dhanka kale, ilo xog-ogaal ah ayaa sheegay in Safiirka Mareykanka uu dhaliil u jeediyay go’aanno dhowaan ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ku gashay heshiisyo la xiriira kheyraadka dalka iyo arrimo istaraatiiji ah oo, sida la sheegay, Washington u aragto inay saameyn ku yeelan karaan danaha Mareykanka iyo istaraatiijiyaddiisa Geeska Afrika.

Sidoo kale, ilo-wareedyadu waxay sheegeen in safiirku uu muujiyay niyad-jab ku aaddan dadaalladii siyaasadeed ee uu qaybta ka ahaa toddobadii bilood ee la soo dhaafay, kuwaas oo ka dhacay gudaha xerada Xalane, balse aan weli dhalin heshiis siyaasadeed oo u dhexeeya dhinacyada Soomaalida.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *