LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Xog: Ciidanka Booliiska oo aanan la siin wax mushaar ah & Dowladda Federaalka oo Wajahaysa Fadeexad Cusub

Ciidamo ka tirsan Booliiska Soomaaliya ayaa wajahaya xaalad dhaqaale oo sii adkaanaysa, kaddib markii ay muddo bilo ah waayeen mushaaraadkoodii, sida ay Banaadir24 Online u xaqiijiyeen ilo xog-ogaal ah oo ka tirsan hay’adda.

Baaritaan ay sameysay Banaadir24 Online ayaa muujinaya in dhibaatadu aysan ku koobnayn askarta safka hore ee ka shaqeysa sugidda amniga magaalada Muqdisho, balse ay sidoo kale saameysay qaar ka mid ah saraakiisha Booliiska Soomaaliyeed.

Sida ay sheegeen ilo dhowr ah oo codsaday inaan magacyadooda la shaacin maadaama aysan fasax u haysan inay warbaahinta la hadlaan, ciidamo iyo saraakiil ka tirsan booliiska ayaan wax mushaar ah qaadan muddo ku dhow laba bilood.

Ilo wareedyadu waxay sheegeen in cabashooyin rasmi ah loo gudbiyay madaxda ay khuseyso, hase yeeshee ilaa hadda aysan jirin wax xal ah ama jawaab rasmi ah oo laga bixiyay arrintan.

Mushaar la’aantan ayaa si toos ah u saameynaysa nolosha ciidanka, kuwaas oo ku tiirsan mushaharkooda si ay u daboolaan baahiyaha qoysaskooda, kirada guryaha, waxbarashada carruurtooda iyo kharashaadka nolol maalmeedka.

Qaar ka mid ah ilaha la hadlay Banaadir24 Online ayaa sidoo kale sheegay in mushaarka ay qaataan markii uu soo dhaco uu horeba uga yaraa culayska iyo halista shaqada ay maalin kasta qabtaan, taasoo ay sheegeen inay sii xumaatay kadib dib u dhaca mushaaraadka.

Arrintan ayaa imanaysa xilli ciidamada Booliiska Soomaaliya ay laf-dhabar u yihiin sugidda amniga caasimadda Muqdisho, isla markaana ay si joogto ah uga qeyb qaataan howlaha la dagaallanka kooxaha hubeysan, ilaalinta xarumaha dowladda iyo xaqiijinta amniga goobaha dadweynaha.

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Taliska Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed weli si rasmi ah ugama aysan hadlin cabashooyinka la xiriira dib u dhaca mushaaraadka ee ay soo gudbiyeen ilaha ay la hadashay Banaadir24 Online.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *