Puntland oo si rasmi ah u diiday jiritaanka PSF, eedeyn culusna u jeedisay Villa Soomaaliya

Maamulka Puntland ayaa si rasmi ah u shaaciyay in waxa loo yaqaan Puntland Security Force (PSF) uusan sharci ahaan ka tirsanayn ciidamada difaaca Puntland, iyadoo isla markaana dowladda federaalka Soomaaliya ku eedeysay inay waddo dhaq-dhaqaaqyo militari oo, sida ay sheegtay, khatar gelin kara amniga iyo xasilloonida Puntland.
War-saxaafadeed ay soo saartay Puntland ayaa lagu sheegay in maamulka uu si dhow ula socdo dhaqdhaqaaqyo uu ku eedeeyay Dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwaas oo ay sheegtay inay yihiin isku day lagu hurinayo colaad iyo in lagu wiiqo hay’adaha maamulka Puntland.
Puntland ma aysan soo bandhigin faahfaahin rasmi ah oo ku saabsan dhaq-dhaqaaqyadaasi, balse waxay ku adkeysatay inay ka go’an tahay ilaalinta amniga deegaannadeeda iyo difaaca awoodda maamulka.
Sidoo kale, Puntland ayaa si cad u sheegtay in aysan jirin ciidan si sharci ah ugu diiwaangashan magaca PSF oo ka tirsan qaab-dhismeedka Ciidamada Difaaca Puntland.
Maamulka ayaa intaas ku daray in aysan jirin ciidamo si rasmi ah ugu diiwaangashan Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ka howlgala dhulka ay maamusho Puntland, taasoo xoojinaysa mowqifka ay muddooyinkii dambe ka taagneyd arrimaha amniga.
Hadalkan ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Puntland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan arrimaha maamulka amniga, dastuurka iyo awood-qaybsiga hay’adaha qaranka.
Dowladda Federaalka Soomaaliya weli kama aysan hadlin war-saxaafadeedka iyo eedeymaha ay soo saartay Puntland.









